“Somaliland Indhaha ku Haysa in Dekedda Berbera ay Kaalin Muhiim ah ka Qaadato Ganacsiga Badda Cas”

0
310

Hargeysa (Dawan)- Wakaaladda wararka AFP ee caalamiga ah, ayaa shalay daabacday warbixin ay kaga hadashay sida jamhuuriyadda Somaliland ugu heellan tahay, in ay dekedda Berbera noqoto marinka ugu muhiimsan ee ganacsiga Badda Cas.

Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixinta AFP oo werisay in magaalo xeebeedda Berbera ay si tartiib-tartiib ah isu beddelayso oo ay kaalin muhiim ah ka qaadanayso maraakiibta marta Badda Cas, iyada oo himiladaasi tahay mid Somaliland ku gaadhi doonto barwaaqo iyo horumar.

AFP waxay intaas ku dartay in Somaliland rejaynayso sidii ay u noqon lahayd mid ka mid ah marinnada ugu mashquulsan ee caalamka oo ay ka heli doonto shaqo abuur. Isla markaana, maalgashiga dekeddu badhi-taarayso aqoonsiga caalamiga ah ee ay jamhuuriyadda Somaliland baadi-doonaysay 27-kii Sannadood ee la soo dhaafay.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in casriyeynta dekedda Berbera ay dawladda Somaliland uga golleedahay si kor loogu qaado shaqo abuurka iyo dakhliga dalka.

Wasiir Sacad Cali Shire waxa uu tilmaamay in heshiiska ay la galeen shirkadda DP World, ay yiddidiilo u tahay kasbashada maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland doonayso.

Wakaallada AFP, waxay sheegtay in himilada jamhuuriyadda Somaliland ay kor u kacday bishii March ee sannadkan 2018-ka, ka dib markii dawladda Itoobiya maalgashiga dekedda Berbera laga siiyey boqolkiiba 19%.

Shirkadda DP World, ayaa gelinaysa Somaliland lacag lagu qadaray 442 milyan oo doolar oo ay ku ballaadhinayso dekedda Berbera, waxaanay wejiga hore bilaabaysaa bisha October ee sannadkan, waxaana lagu kordhinayaa dekedda 400 oo mitir oo laba jibaaran, waxaanu soconayaa dhismaha mashruucaasi 24 bilood.

Wakaallada AFP waxay intaas ku dartay in xukuumadda Somaliland ay dawladda Imaaraadka Carabta, magaalada Berbera ka siisay saldhig millatari oo ay ku heshiiyeen muddo 25 sannadood ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply