Wasiirka Beeraha oo Furay Biyo Xidheen laga Hirgeliyay Magaalo-cad

0
296

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed, ayaa shalay xadhiga ka jaray Biyo xidheen weyn oo laga hirgeliyay deegaanka Magaalo-cad oo ka tirsan gobolka Awdal.

Munaasibad loo sameeyay furitaanka biyo xidheenka ayaa lagu qabtay isla deegaankaasi Magaalo-cad, waxaana ka soo qayb galay, wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta qaranka Eng. Xuseen Ibraahin Buuni, madaxda gobolka Awdal iyo dadweynaha deegaanka.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland oo hadal dardaaran iyo dhiiri gelin ah ka jeediyay xafladdii furitaanka biyo xidheenka, ayaa sharraxay muhiimadda ay qaranka Somaliland ugu fadhiyaan tacabka wax-soo-saarka beeraha iyo sida loogu baahan yahay in la helo biyo xidheenno badan oo dalka wax-soosaarkiisa gacan weyn ka geysta.

Wasiirku, waxa kale oo uu bulshada deegaanka kula dar daarmay, in aan la kala sheegan khayraadka biyo xdheenkan, isla markaana ay bulshadu ka wada faa’iidaysto. Sidoo kalena wasiirku waxa uu ballan qaaday in ka wasaarad ahaan ay la garab taagan yihiin beeralayda, wax kasta oo awooddooda ah oo ay xukuumaddu la qaban karto, si dalku isku filnaansho uga gaadho dhanka cuntada.

Wasiir Seed oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan idinkala soo qayb galo furitaanka biyo xidheenkan, waan dhiirigelinaynaa in Biyo xidheenada noocan oo kale ah la hirgaliyo.

Anigu ka wasaarad ahaan, aniga oo ka wakiil ah beeralayda Somaliland, dhaamkani waa dhaamkii ugu waynaa ee laga hirgaliyo gobalka Awdal. faa’iidana wuxuu u leeyahay dadweynaha Magaalo.cad oo ah meelihii wax soo saarka, waxaanan kula dardaarmayaa dadweynaha deegaankan in aanay kala sheegan Biyo xidheenkan oo looga faa’iideyaa cid kasta oo deegaankan ah, waana in wax soorka gacmaha laysu qabsado.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply