Haayada NRC oo 199 Qoys Guddoonsiisay Mulkiyadaha Guryo iyo Dhul Laga Taageeray

0
267

Hargeysa (Dawan)- Ha’yadda NRC, ayaa boqol iyo sagaal iyo toban (199) qoys, ku wareejisay mulkiyadaha dhul iyo guryo ay degan yihiin oo laga teegeeray, kuwaas oo degan xaafadda magaalo Jimcaale ee Ayax B1 ee magaalada Hargeysa.

Xaflad loo qabtay warejinta mulkiyadahan oo ku qabsoontay hudheelka Maansoor, waxa ka soo qaybgalay badhasaabka gobalka Maroodi-jeex, guddoomiyaha haayada barakacayaasha Somaliland iyo masuulyiin kale.
Khadar Maxamuud oo ku hadlaayay afka haayada NRC, ayaa ka warbixiyay 199-kan qoys ee lagu wareejiyay ardiyadaha dhulka iyo guryaha laga taageeray “Maanta waxaynu isugu nimi hawl aynu muddo soo wadnay oo ah in aynu ardiyadaha dhulka u dhamaystirno labadaas xaafadood oo ahaa laba xaafadood oo runtii laba goor barakacay, barakicii ugu horeeyay oo ay dalka ku yimaadeen markay soo noqdeen iyo mar labaad oo loo raray dhulka ay imika degan yihiin, NRC iyada oo kaashanaysa midawga Yurub iyo haayadaha kale ee ay wada shaqeeyaan waxay ugu talo galeen in ay dadkaas u dhamays tiraan ardiyadaa dhulka si ay ula mid noqdaan dadka kale oo ay nolashooda caadiga ah ay u soo qaataan ama bulshada si fican ay ugu dhex galaan.”
Guddoomiyaha haayada barakacayaasha Cadbikariin Axmed Maxamed Xinif ayaa dadka barakacayaasha ah u rajeeyay in dhul badan loo dhisi doono, waxaanu la dareen qaybsaday kooxdan haatan dhulka iyo guryaha heshay”Maanta waxa farxad ah 199 qoys oo maanta noqday mulkiilayaal rasmi ah,199 kaas fayl ee aanu maanta wareejinayno 145 ka mid ahi waa guriyo dhisan, 54 ayaan dhisnayan oo dhul ah iyaga iyo kuwo kalena waxaanu rajaynaynaa in sida ugu dhakhsaa badan loogu dhiso. Maantaba waxaad tihiin dad xataa mulkiyadooda wax ku damiinan karaaya.”
Mubaarak oo ku hadlaayay afka haayada World Vision ayaa isaguna NRC uga mahadnaqay shaqada ay qabtay “Mashruucani waxa uu bilaabmay 2017-ka ujeedadiisuna waxay tahay in la taageero dadka barakacay, maanta in aynu joogno xafladii lagu wareejinaaayay 199 milkiyadii dhulka ah oo lagu wareejinaayo dadkii danyarta ahaa farxad ayaa ay noo tahay, waxaanu mahad balaadhan u soo jeedinayaa haayada NRC iyo haayada barakacayaasha NDRA oo wakhti badan galiyay.”
Ugu danbayntiina waxa halkaas lagu gudoonsiiyay mulkiyadii dhulkooda qoysaskan badidooda loo dhisay guryaha, halka in ka mid ahna laga taageeray mulkiyadaha dhulkooda.

Leave a Reply