Muuse Biixi oo Magacaabis iyo Xil ka Qaadis Ku Sameeyay Masuuliyiin Xukuumadiisa ka Tirsan

0
314

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay xil ka qaadis, magacaabid iyo isku-bedel ku sameeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa, sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha.
Masuuliyiinta uu madaxweyne Biixi xilalkii ka qaaday waxaa ka mida, taliyihii ciidanka ilaaladda xeebaha Somaliland, badhasaabkii gobolka Sool, agaasimihii guud ee wasaaradda warfaafinta iyo masuuliyiin kale, iyada oo masuuliyiin cusub loo magacaabay jagooyinkii ay xubnahaasi banneeyeen.
War-saxaafadeedka uu madaxweyne Muuse Biixi masuuliyiintaasi xilalka kaga qaaday, kuwa cusub-na ku magacaabay ayaa u dhignayd sidan:
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-172/072018, uu xil ka qaadis, magacaabid iyo isku-bedel ku sameeyey masuuliyiin ka mida xukuumaddiisa.
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan:
Waxaan Go’aamiyey;
1. In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
Tir Magaca Xilka
1. Admiral Guuto Maxamed Xuseen Faarax Xiirane Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha
2. Mustafe Godane Cali Bile Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska
3. Cabdirashiid Xuseen Cabdille Gargaar Guddoomiyaha Gobolka Sool
4. Amaal Cabdi Xasan Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada
2. In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan:
Tir Magaca Xilka
1. Admiral Guuto Cabdi Xirsi Ducaale La-taliyaha Madaxweynaha ee Maamulka iyo Amniga Badda
2. Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis
1. Ku: Mudane Cali Maxamed Cali Nuur,
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta
Og: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta
Mudane, Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejiso Mudane, Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi oo ah Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.
Sidoo kale, waxaan farayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta in uu u kala wareejiyo labada mas’uul xilka, sida ugu dhakhsaha badan.
2. Ku: Mudane Cabdi Khayre Dirir,
Guddoomiyaha Gobolka Sool
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Mudane, Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Guddoomiyaha Gobolka Sool.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejiso Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Gargaar) oo ah Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool.
Sidoo kale, waxaan farayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha in uu u kala wareejiyo xilka labada mas’uul, sida ugu dhakhsaha badan.”

Dawan Hargeysa Office

Leave a Reply