Badhasaabka Saaxil Oo Ka Hadlay Qoxoonti Ka Soo Cararay Colaadda Yemen Oo Berbera Ka Soo Degay

0
416

Berbera (Dawan): Badhasaabka gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan (Timo-cade), ayaa sharraxaad ka bixiyay qaxoonti tiradoodas lagu qiyaasay 16 qof, oo soo gaadhay magaalada Berbera, Isniintii todobaadkan, kuwaasi oo ka soo cararay collaadaha ka taagan dalka Yaman.

Badhasaabka gobolka Saaxil Saaxil Axmed Cismaan Xasan (Timo-cade), oo xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeysla Dawan isaga oo joogay Berbera, ayaa sheegay in qoxoontigaas oo badankoodu dhalasho ahaan ka soo jeedeen dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya ay u gudbeen meelihii ay u socdeen.

“Qoxoontigaasi waxay Berbera yimaadeen Isniintii todobaadkan, kuwaas oo tiradoodu ahayd 116. Waanay ka soo degaan Berbera inta badan qoxoontiyadu. Dadkaasi waxay u badnaayeen kuwo dhalasho ahaan ka soo jeedda dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya. Iyada oo ay ku jireen kuwo Somaliland u dhashay.

Dumar, caruur iyo waayeel-ba way lahaayeen. Kuwii Soomaaliy u dhashay way dhaafeen Berbera oo waxay u gudbeen xagga Soomaaliya oo ay u socdeen” ayuu yidhi badhasaabka Saaxil.

Badhasaabka ayaa intaas ku daray in marka dadka qoxoontiga ah ay dekadda Berbera ka soo degaan in la dejiyo xarun lagu nasiyo, isla markaana lagu baadho caafimaadkoodda iyada oo markaa kadibna loo gudbiyo meesha ay u socdaan.

Isaga oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Qoxoontigu markay Berbera ka soo degaan waa la qaabilaa, oo waxaa qaabisha inta badan hay’adda Somaliland u qaabilsan qoxoontiga iyo barakaceyaasha, xarun ayaana ku taalla Berbera dadka qoxoontiga ah ee soconayaa marka dekadda laga soo qaado ay ku nastaan.

Kadibna qof waliba meesha uu u socday ayaa loo sii gudbiyaa. Wixii xanuunsanayana halkaas ayaa lagu daaweeyaa, oo caafimaadkooda lagu hubiyaa.

Weliba anagu aad ayaanu isaga hubinaa caafimaadka dadka qoxoontiga ah, si aanay inoogu soo talaabin xanuuno laga yaabo in meesha ay ka yimaadeen ay ka jiraan”.

Dhinaca kale Axmed Cismaan Timo-cade, waxa aanu wax ka waydiinay dhaq-dhaqaaqa dhoofka xoolaha ee dekadda Berbera, maadaama oo ay foodda inagu soo hayso ciida Carafo oo ah xiliga xoolaha ugu badan loo dhoofiyo moosinka Xajka.

Waxaanu yidhi “Dhaq-dhaqaaqa dekadu aad ayuu u sareeyaa xiligan, oo inta badan waa mashquul, xoolaha xajkuna xoog ayay u socdaan. Kuwo Cumaan tegaya, kuwo Yemen tegaya, kuwo Sucuudiga loo waddo iyo meello kale-ba, xooluhu aad ayay u badan yihiin, shaqaduna aad ayay u fiican tahay oo meel sare ayay maraysaa maalmahan”.

Dhawrkii sanadood u danbeeyay waxaa dekadda Berbera ka soo degay doonyo siday kumanaan qoxoonti ah oo ka soo cararay colaadaha ka jir dalka Yemen, iyadoo k

Leave a Reply