Wasiirka Gaashaandhigga oo Warbixin Siiyay Guddida Difaaca Golaha Guurtida

0
312

Hargaysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Eng. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) ayaa shalay hortegay guddida difaaca iyo nabadgelyada ee golaha guurtida Somaliland, waxaanu wasiirku warbixin ka siiyay arrimo quseeya shaqada ay wasaaradda u hayso qaranka Somaliland.

Wasiirka iyo guddoomiyaha guddiga difaaca iyo nabad elyada golaha guurtida Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo wada jir ula hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ay ka wada hadleen arrimaha difaaca qaranka iyo nabad gelyada guud ee dalka.

Kulanka oo ahaa mid u gaar ahaa wasiirka iyo gudida, ayaa markii uu soo dhammaaday, ayuu wasiirka tilmaamay in uu guul ku soo dhammaaday, waxaanu yidhi wasiirku isaga oo arrimahaa ka hadlayay. “Wada-shaqayn ayaa naga dhaxaysa guddida. waxaannu nahay wasaaradda qaranka uga masuulka ah difaaca qaranka, waana shaqo wanaagga qaranka isla xisaabtanku, si fiican ayaanu kulankaasi noogu soo dhamaaday, warbixin guud ayaanan siiyay. Su’aalana waanu is waydaarsanay. Kulamada noocan ahina joogto ayay noqonayaan in aanu mar kasta wada yeelan doonno gudida.”.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka arimaha gudaha, nabadgelyada iyo difaaca ee golaha guurtida Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo isna kulankaa ka hadlay, ayaa yidhi “Kulankayagu wuxuu daarranaa sidii aanu xogogaal ugu noqon lahayn waajibaadka ay qaranka ay u hayso wasaaradda gaashaandhigga.

Wasiirku warbixin waafiya ayuu na siiyay, waanan uga mahad naqaynaa wasiirka kulankaasi aanu wada yeelanay. guddidu waxay u xil saaarantahay dabagalka iyo taabbo galinta xasiloonida dalka iyo qiimaynta siyaasada iyo difaaca dalka, arrimahaas ayaanan ka wada hadalnay wasiirka .”

 

Leave a Reply