Hargeysa (Dawan)- Meherada ganacsi ee Pizza Express oo ka mid ah goobaha lagu sameeyo cuntada loo yaqaan Pizzada, ayaa magaalada Hargaysa ka daah-furtay qaybteed labaad oo noqoysa mid u gaar ah qaadshada noocyada kala duwan ee pizza-da.
Mulkiilaha goobtan, ahna maamulka guud ee Pizza Express, Cabdilaahi Cismaan Nuur, ayaa ka hadlay ujeedka iyo sababta ay u ballaadhiyeen adeegyada Pizza-da ee ay u qaybtaan qaybaha kala duwan ee bulshada. isaga oo arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi “Waxa aannu daah-furnay qaybtii labaad ee pizza express, waxa aan ku faraxsanahay in aannu ka jawaabnay codsigii nooga yimid macamiishayada oo ahaa in aanu qaybaha laga heli karo u badino si ay u helaa meel ay ka dhawdahay Pizza express.”
Cabdillaahi Cismaan Nuur, ayaa sheegay in aanay wax ba ka bedelin dhadhankii, tayadii iyo adeegyada shaqaalaha ay ee ay bulshadu uga baratay, waxaana uu yidhi “waxa aan u sheeegayaa macaamishayadii hore in qayb kasta oo ay tagaan oo ay leedahay Pizza Express ay ka fishaan wixii ay ku yaqaneen, tayada cuntadu ismay bedelin, shaqada aanu macaamisha u qabanaa isma bedelin, qiimahayagu isma bedelin. markaa qayb kasta oo Pizza Express leedahay wixii aad filanaysay ayaad ka helaysaa.”
Ugu danbayn mulkiilaha Pizza Express, ayaa bulshada u sheegay qaabka ay u shaqeeyaan waxaana uu yidhi “waxaa aanu diirada saarnaa saddex shay.
Qodobka kowaad waxa weeye, tayada oo aannu wakhti badan gelino, si aannu u hubino in ay wanaagsan tahay. ta labaad oo ah ilaalinta shaqada aannu u qabano macaamishayada iyo ta saddexaad oo ah qiimaha oo raali gelinaaya bulshada. waxa aannu jecelnahay in aannu noqon Pizzada ugu fiican Hargeysa.”
Pizza Express, ayaa ka mid ah goobaha lagu sameeyo noocyada kala duwan ee cuntada loo yaqaano pizzada. waxaana maalgashaday muwaadin ka soo jeeda jamhuuriyadda Somaliland.