Wajaale (Dawan)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Liibaan Yuusuf Cismaan iyo wefti uu hoggaaminayo oo ka socda xukumadda jamhuuriyadda Somaliland, ayaa socdaal shaqo ku tagay magaalada Wajaale oo xuduud la wadaagta dalka Itoobiya.
Socdaalka weftigan uu hoggaaminayo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha debada jamhuuriyadda Somaliland Liibaan Cali Yuusuf, ayaa ujeedadiisu ahayd mid la xidhiidha xogogaal u noqoshada xaaladda ammaan ee xuduudka ay Somaliland la wadaagto dawladda Itoobiya, waxaanu sheegay wasiir Liibaan in ciidamada ammaanku ay sugeen xuduudaha dalka ee dhinaca Itoobiya aynu la wadaagno.
Wasiir Liibaan Yuusuf Cismaan, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ujeedka socodkayagu waxa uu ahaa in aanu u kuur-galno xaaladda ammaan ee deegaankan, maadaama ay maalimihii u danbeeyey xaalad ammaan ka jirtay dalka Itoobiya.
Ciidamada ammaanka jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si wanaagsan uga hawlgalay oo nabadda waddanka aad u sugay, wax dhib ah oo illaa hadda gudaha Somaliland ka taaganina ma jiro”
Wasiir ku xigeenka arrimaha debada Somaliland, ayaa beeniyey warar sheegayey in Somaliland ay soo galeen saraakiil iyo masuuliyiin baxsad ah oo xilal ka soo hayey dawladdii madaxweynaha dawlada deegaanka Soomaalida Itoobiye Cabdi Maxamuud Cumar, waxaanu yidhi “dad madax ah oo Somaliland aan sharci ka haysan oo yimid ma jiraan. Dadka wixii maati ahna ee dumar iyo caruura si gaar ah ayaannu ula dhaqmaynaa, wixii saraakiil ama ciidan ee dambi gaystayna waxa la soconaaya laamaha amaankayga.”
Dhinaca kale, maayirka degmada Wajaale Xaashi Maxamuud Cabdi, ayaa sheegay in aanay gudaha Wajaale ee dhinaca Somaliland wax dhib ahi ka dhicin, waxaanu shacabka ugu baaqay in ay feejignaadan. isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “xaaladda ammaanka degmada Wajaale waa boqolkiiba boqol. wax dhibaato ah oo ka jiraana ma jiraan.
Dhibaatoyinka ka taagan Itoobiya, wax saamayn ah oo ay ku yaalatay Wajaale ma jiraan. shacabkana waxaan u soo jeedinaaya, madaama ay dhib ka taagan tahay dawladda jaarkeena ah in ay feejignaan badan sameeyan oo ay indhaha ku hayaan dhaqdhaqaaqa ka imanaya Itoobiyia. wixii ay arkaanna ay u soo sheegan laamaha ammaanka.”