Hargeysa (Dawan) Taliyaha ciidamada nabadgelyadda waddooyinka ee galbeedka magaalada Hargeysa, dhamme Maxamed Axmed Siciid, ayaa sheegay in wadista gaadiidka ardayda qaada (Basaska), ay ka mamnuuceen wiilasha kirishboyda ah, waxaanu ciidamada booliska meel ay joogaanba ugu baaqay in aanay aqbalin wiil yar oo carruur gaadhi sida.
Sidoo kale, waxa uu taliye Maxamed tilmaamay in buuga iyo liisanku ay yihiin, waxa kaliya ee gaadiidka sharciga lagu siin karo. waxaanu sheegay in sababta fududaysay xadista gaadiidka ee ku soo badanaya caasimadda Hargeysa, ay tahay dadkii oo ka imanaya liisankii iyo buugii gaadhiga.
Taliyaha ciidamada nabadgelyadda waddooyinka ee galbeedka magaalada Hargeysa, dhamme Maxamed Axmed Siciid, waxa uu ka codsaday wadayaasha gaadiidka, in aanay ka imanin liisanka iyo buuga gaadhiga, isla markaana ay ixtiraaman saraakiisha ciidamada ee ku hawlan ilaalinta nabadgeliyada waddooyinka.
Maxamed Axmed Siciid, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maanta dugsiyadii ayaa bilaabmay, maadaama ay dugsiyadii bilaabmeen gaadiidka ubadka ardayda ah sida. ma wadi karaan nin kirishbooy ahi.
Ciidamada booliska jamhuuriyadda Somaliland aqbali-mayaan wiil yar oo indhaha marmartay oo ubadkeena gaadhi ku sida oo aan haysan liisan, imikaba jeelasha ayay ku jiraan.”
Taliye Maxamed ayaa ugu baaqay dadka reer Somaliland ee gaadiidka leh in ay iska hubiyaan cidda ay u dhiibayaan baabuurtooda, waxaanu yidhi “dadweynaha sharafta leh ee gaadiidka wata, waxaan farayaa, aniga oo ah taliyaha nabadgeliyada waddooyinka ee qaybta galbeedka Hargeysa, kuna hadlaya afkii taliyaha ciidanka booliska, in darawaliinta gaadiidka ay u dhiibayaan ay hubiyaan, inay liisan leeyihiin iyo in kale.
Qofkuna haddii uu u dhiibo qof aan liisan iyo sharci midna wadan gaadhigiisa, wixii dembi ah ee uu ku galo gabi ahaan wuu la yeelanayaa, sababta oo ah nimaan qaanuunkii u hogaansaneyn oo aan sharcigii fulineyn oo aan liisan laheyn ayuu gaadhi u dhiibanayaa, waana mudayac.”
Dhanka kale taliye Maxamed waxa uu sheegay in waxaa kaliya ee gaadiidka sharciga lagu siiyaa inay tahay buuga iyo liisanka waxaanu yidhi “Buuga iyo liisanku waxa weeyaan, waxa kaliya ee sharciga gaadiidka lagu siin karo, darawalkuna haddii aanu sidan buug iyo liisan, waxaa xaga sharciga loo arkayaa inuu tuugo sameeyay, waayadan dambena waxaad og tihiin in la leeyahay inta saldhigyada booliska la tago gaadhigiibaa leyga xaday.
Arrintaasna waxa sahlaya darawalkii oo aan liisankii qaadaneyn, oo guriga kaga tagaya. markaa waxaa caado noqontay isaga oo aan darawalku liisan wadan, buugna wadan in uu gaadhigii wado, dadkii xumaanta sameynayay markaa waa ay ka faa’iideysanayaan, ileyn ninkii sharcigiisa heystay ee darawalka ahaa ayaa wax dayacaye, in tuugii uu yidhaaho buugii guriga ayaan kaga imid oo gaadhigiina sidaasi ku dhaco, ileyn kii lahaaba waxaa uu yidhi waxaan kaga imid gurigee, nin walba isaga ayaa buugiisa iyo liisankiisa sidanaya. Sababta oo ah waxaa aynu marnaa sharcigu ha sareeyo, hadii sharcigu sareyn waayana ninna socon maayo.”