Somaliland, Kenya, Japan iyo Shiinaha oo Ka Wada Hadlay Xidhiidhka Dalalkoodav

0
327

Nairobi (Dawan )- Wefti ka socda Somaliland oo heer qaran ah oo socdaal shaqo ku jooga caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi, ayaa kulamo kala duwan halkaasi kula yeeshay madax sare oo ka socday dalka Japan, safiirka Shiinaha u jooga Kiiniya iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya.

Weftiga ka socda jamhuuriyadda Somaliland oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha baanka dhexe mudane Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi oo ay socdaalka shaqo ku wehelinayeen, guddoomiye ku xigeenka guddida dhaqaalaha xildhibaan Maxamed Axmed Obsiiye, xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale iyo mudane Cabdinaasir Cismaan Maxamuud oo ah agaasimaha qorshaynta golaha wakiillada, ayaa kulammo kula yeeshay magaalada Nayroobi u qaybsanaha dhaqaalaha iyo gacansiga ee safaarada Shiinaha oo weftigu kala hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ganacsi iyo iskaashi ee ay leeyihiin Somaliland iyo dalka Shiinaha, labada dalna u yeelan lahaayeen iskaashi iyo xidhiidh heer dawladeed ah.

Waxaa kale oo ay kulan la yeesheen wakiilka hay’adda iskaashiga caalamiga ah ee dalka Japan mudane Shinjiro Amameishi iyo madaxa mashaariicda ee JICA, mudane Atsushi IIJIMA. Waxaana kulamadaa lagaga wada hadlay mashaariicda horumarineed ee ay hay’adda JICA ka wado geeska Afrika iyo sidii ay mashaariicdaas horumarineed ay u soo gaadhsiin lahaayeen Somaliland.

Waxaa kale oo weftigu kulan la qaateen hay’adda tabarucayaasha ee Qaramada Midoobay (United Nations Volunteers) waxaanay weftigu madaxda hay’addaas kala hadleen sidii ay gacan uga geysan lahayd, dhallinyarada Somaliland in ay ka taageerto sidii xirfado loogu tabbobari lahaa ay ku shaqaystaan.

Dhinaca kale waxaa ay weftigu la kulmeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Kenya.

Dhammaan kulamda weftiga ka soda Somaliland ee ku sugan caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi, ayaa shirarkaasi ay madaxda kala duwan kula yeesheen halkaasi ku soo dhammaadeen jawi wanaagsan oo guul ah.

Leave a Reply