Suhuur Xasan Abiib oo Shaacisay in ay u Sharraxan Tahay Golaha Wakiillada

0
374

Hargeysa (Dawan):- Marwo Suhuur Xasan Abiib oo ka mid ah qurba-jooga reer Somaliland ee dalka Canada,ayaa shaacisay inay tahay Murashaxad u tartami doonta Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee soo socota.

Sidaa waxay Suhuur Xasan Abiib ku sheegtay inay la tashi badan, kadib ay qaadatay inay isu soo sharaxdo doorashada Golaha Wakiilada ee dalka ka qabsoomi doontaa.

Haddab, qoraal kooban ay Suhur Xasan Abiib shalay ka soo saartay magaalada Hargeysa, kadib markii ay ka soo degtay madaarka magaalada Hargeysa ayay, kaga hadashay shaacinta murashaxnimadeeda, tallooyinkii ay la yeelatay waxgaradka iyo aqoon-yahanka arrimmo door ah, waxaanu ku bilaabay sidan “Maanta oo taariikhdu tahay 14/8/2018-ka waxaan shaacinayaa inaan ahay murashax u tartami doona doorashada golaha wakiilada Somaliland ee fooda innagu soo haysa haddii Alle idmo. Arrinta ku saabsan Murrashaxnimadayda waxay ka dhalatay wada-tashi aan la sameeyey dad kala duwan oo aanu isku beel ka soo jeedno, kuwaas oo igu dhiiri-geliyey in maanta fursaddaasi ii banaan tahay.”

“Marka ugu horaysa waa waajib in qofku wax doorto lana doorto, waxaanay ka mid yihiin xuquuqaha aas-aasiga ah ee muwaadiniinta reer Somaliland ka siman yihiin dastuuriyan. annigoo qodobkaas ka duulaya, waxaan halkan ka caddaynayaa in aan u taaganahay ka mid noqoshadda murashaxiinta doorashadda golaha wakiillada ee soo socota haddii Ilaahay Idmo.” ayey tidhi Marwo Suhuur Xasan Abiib oo fadhigeedu ahaa dalka Canada, gaar ahaan magaalada Toronto.

Iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi “Waxaan ogaysiinayaa amaba aan ku war-gelinayaa taageerayaashayda iyo asxaabtayda gaarka ahba, inaan ahay Murashax u taagan doorashada golaha wakiilada Somaliland ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 2019-ka, waxaana u muuqatay in baahi loo qabo Xildhibaan danta qaranka iyo tanta deegaankaba ka shaqeeya.”

“Cida ugu baddan ee codeysa waa haweenka, sidaa daradeed waxaan ugu baaqayaa haween-weynaha reer Somaliland inay codkooda isiiyaan, haddii ILAAHAY yidhaahdo markaan ku guuleysto Xildhibaanimada waxaan ka hadli doonaa danaha umadda iyo danaha dadka u nugul masiibooyinka ‘dumarka iyo carruurta,” ayey tidhi.

Leave a Reply