Moha Farah oo la Saadaalinayo in ay Noqoto Madaxweynaha DDSI

0
344

Addis Ababa (Dawan):- Dr. Moha Farah Jire ayaa la sheegay inay safka hore kaga jirto tartamayaal la saadaalinayo inay qabtaan jagada madaxtinimada dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, isla markaana noqoto gabadhii ugu horreysay taariikhda ee u tartanta madaxweynenimada gobolka Soomaalida Itoobiya.

Sida lagu baahiyey shalay Idaacada Dalsan, oo tilmaamay in warkaasi ay u xaqiijiyeen xoga ay ka heleen Addis Ababa iyo Jigjiga. Iyada oo gobolka Soomaalida Itoobiya, muddooyinkii u dambeeyey ay warbaahinta caalamka haysteen isbedelada ka dhacayey, kuwaasi oo uu la wadaago guud ahaan dalka Itoobiya, tan iyo markii uu xilka qabtay raysal wasaaraha dalkaas Dr. Abiy Ahmed.

Madaxweynahii hore dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) Cabdi Maxamed Cumar ayaa xilkii ku wareejiyey wasiirkiisi maaliyada Axmed Cabdi Maxamed, sida awaamiir ka timi dawlada dhexe lagu sheegay.

Saadaalo laga bixinayey qofka noqon doona Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) ayaa guud ahaan ka socday dalka Itoobiya, isbedel lagu sameeyey gudoomiyaha xisbiga ESPDP oo uu noqday Axmed Shide, oo ahaa wasiirka isgaadhsiinta dawladda federaalka Itoobiya. Kaas oo soo gebagebeeyey hoggaamintii Cabdi Maxamed Cumar.

Sida ay sheegtay Idaacadda Dalsan, ilo wareedyo laga soo xigtay magaalooyinka Jigjiga iyo Addis Ababa ayaa lagu sheegay inay safka hore kaga jirto tartamayaasha buuxin doona jagada madaxweynaha DDSI, Dr. Moha Farah Jire, kana dhigi doonta haddii ayu ku guulaysato gabadhii koowaad iyo madaxweynahii ugu da’da yaraa ee noqda Madaxweynaha DDSI.

Sidoo kale warbaahinta Itoobiya ayaa todobaadkii la soo dhaafay saadaalinayey in Dr. Moha Farah noqon doonto Madaxweynaha DDSI.

Dr. Moha Farah, oo khibrad ballaadhan u leh dublamaasiyada caalamka iyo Afrika ayaa la sheegay inay xidhiidh dhow la wadaagto raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee Jigjiga.

Gabadhan dhowaan waxbarashada PHD-da ku soo dhamaysatay dalka Faransiiska, Dr. Moha Farah ayaa ah muwaadinad Soomaali Itoobiyaan ah, isla markaana khibrad u leh arrimaha siyaasadaha iyo ammaanka gobolka, horena kaalin la talineed ugu soo ahayd guddoomiyahii Midowga Afrika Jing Peng, halka ay wakiil arrimaha bani’aadminimmada u ahayd dalka Ghana.

Leave a Reply