Hargeysa (Dawan)- Hay’adda qurba jooga Somaliland, ayaa shaacisay in la qabanayo shirkii afaraad ee la isugu keenayo ama ay ku kulmayaan qurba jooga reer Somaliland ee ku dhaqan waddamada kala duwan ee adduun waynaha.
Hay’adda qurba jooga, Somaliland, ayaa sidaasi ku sheegtay war saxaafadeed ay soo saartay, waxaanay tilmaantay in shirkani uu ku saabsanaan doono abaal marinta arrimaha maal gashiga ee qurba jooga Somaliland ku maalgashaday dalka.
Warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan- “Hay’adda qurbajoogga Somaliland ee ka tirsan wasaaradda arrimaha debadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, waxa ay qabanaysaa shir sannadeedka 4aad ee qurbajoogga Somaliland oo ka dhacaya hudheelka Crown ee magaalada Hargeysa. Maalinta Isniinta 27-ka bisha August, 2018 haddii Alle idmo.
Shirka sannadkan oo loo bixiyay “Abaalmarinta maalgashiga qurbajoogga, waafaqsanna qorshaha istaraatiijiyadeed ee qaranka uga yaalla xagga kor u qaadida doorka maalgashiga qurbajoogga ee fursadaha ganacsiga dalka sida ku sheegan QHQ2-2018-2021; ayaa noqonaya munaasibad aan uga faa’iidaysanayno inaan u mahad celinno, maamuusno, oo aan si heer qaran ah u xusno doorka muhiimka ah ee Qurbajoog badan oo ganacsiyo kala duwan maalgashaday ka gaysanayaan shaqo abuurka iyo la dagaalanka faqriga, koboca dhaqaalaha dalka, iyo dakhliga dawladdaba, isla markaana aan farriin u dirro, oo kor u qaadno heerka wacyiga Qurbajoogga Jaalliyadaha Somaliland inay ogaadaan fursadaha dihin ee ka jira dalkooda ee dhiggoodu maalgashadeen, dawladdooduna diyaar u tahay in waxbadan loo fudaydsho.
Waxa muuqata in nabadgelyada buuxda ee ka jirta dalka JSL, iyo nidaamka dawladeed ee dadka u adeegaya awgeed, in doorasho kasta oo si dimuqraadi iyo nabadgelyo ah uga qabsoonta Somaliland ay dhiirrigelinayso xidhiidhka jaalliyadaha, soo noqoshada dadka, iyo heerka Qurbajoogga maalgashanaya ganacsiyada kala duwan oo tusaale 50% inka badan meheradaha ganacsiga Qurbajoogga ee ka jira Hargeysa si rasmi ah loo furay intii ka dambaysay doorashadii madaxtinimada 2010, halka ay seddexdii sanno ee ugu dambeeyayna si xawli ah u kordheen sida ay Hay’adda Qurbajooggu ku ogaatay daraasad ay fulisay 2017, si la mid ahna dadka fasaxa xagaaga iyo booqashada gaaban ku imanaya dalka ayaa aad usoo badanaya sannadba sannadka xiga.
Siyaasadda Qurbajoogga Qaranka JSL ayaa dhigaysaa in sannad walba Hay’adda Qurbajooggu in si loo dhirrigeliyo waxqabadkooda la xuso, laguna bogaadiyo xubnaha, kooxaha, iyo ururada Qurbajoogga ah ee maalgashi ku dayasho mudan ku sameeya dalka, ama waxqabad siyaabo kale u taageeraya horumarka ka gaysta dalkooda JSL. Waxa taas lagu bilaabay sannadkan oo abaalmarin bogaadineed lagu guddoon siinayo ganacsato kala duwan oo Qurbajoog ah Shir Sannadeedkan 4aad. Waana mid la joogtaynayo oo siyaabo kala duwan oo waxqabad lagu mutaysan doono Abaalmarinta Qurbajoogga ee Sannadka (The Annual Diaspora Award).