Badhasaabka Gobolka Maroodijeex oo Warbaahinta Uga Digay Wararka Lidiga Ku Ah Qaranimadda Somaliland

0
334

Hargeysa (Dawan) Badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi ayaa dadka muslimiinta ah iyo bulshada reer Somaliland gaar ahaan bulshada gobolka Maroodijeex ku hanbalyeeyay munaasibadda Ciidal Odxada awgeed.
Sidoo kale waxaa uu ka digay dhibaatooyinka dhalinyaradda ka soo gaadha gaadiidka ay wataan iyo dabashaa bada wakhtiyadda musaabidaa ciida, waxaanu waalidka ubadka dhalay ugu baaqay inay si weyn isha ugu hayaan.
Dhanka kale waxaa uu gudiyadda nabadgeliyadda ee gobolka Marroodijeex uu ka codsaday inay sugaan nabadgeliyadda oo ay la socdaan wixii dhaqdhaqaaqa.
Badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi waxaa uu sidan ka sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa
Badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Maanta waa 9-dilxija ee dadka muslimiinta ahi ay joogeen Carafa waana maalinta ugu kheyrka badan, maalmaha Illaahey, maalinta baritona waa ciid hadii Illaahey yidhaaho, waxaan halkan hanbalyo uga dirayaa dhammaan dadka muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan bulshaweynta reer Somaliland dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, waxaa kale oo aan halkan ka salaamayaa munaasibada ciida awgeed madaxda dalkan Jamhuuriyadda Somaliland oo ugu horeeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne ku xigeenka iyo marwooyinka qaranka iyo dhammaanba laamaha kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland”
Sidoo kale gudoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi waxaa uu ka digay dhibaatooyinka dhalinyaradda ka soo gaadha gaadiidka ay wataan iyo dabashaa bada wakhtiyadda musaabidaa ciida, waxaanu waalidka ubadka dhalay ugu baaqay inay si weyn isha ugu hayaan waxaanu yidhi “Waxaa dhacda in munaasibadaha ciida inta badan dhalinyaradu ay dalxiis u baxaan islamarkaana ay dhibaatooyin badani ka dhacaan, hadii ay tahay bada iyo hadii ay tahay gaadiidkaba, hadii ay tahay waxyaabo aanay dhaqankeena iyo diinteenu aanay ogoleyn, oo wiilsha iyo habluhu intay israacaan ay dibada u baxaan, waxaan dhalinyaradda ka wacdiyayaa inay ka waan toobaan dhaqanada noocaasa oo aanay nahafooda mahliko galin, waa in nabadgeliyada la ilaaliyo waalidiintuna ay aad iyo aad ugu foojignaadan ubadkooda, qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran taabo gala oo 27-sanadood dawlad ahaa cadaw faro badan ayaynu leenahay waxaan jecelahay in nabadgeliyadeena iyo higsiga aynu ku soconaa uu hirgalo”
Badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi waxaa uu warbaahinta uga digay inay qoraan warar been abuura oo lidi ku ah qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 27-jirsatay waxaanu yidhi “Dhalinyaradda warbaahinta iyo social media haka fogaadeen wararka dhaawaca qaranimada iyo nabadgeliyaddeen, Websiteyada ayaa inta badan soo gudbiya warar aan sal iyo raad toona laheyn cadaw faro badan ayaynu leenahay dad badan ayaa lidi ku ah nabadegliyadeena oo aynu taabo galino nabadgeliyadda aynu ku caano maalay ee qaranka Somaliland uu ku naaloonayo”
“Gudiyadda nabadgeliyadda ee xaafadaha magaalada Hargeysa iyo gaadhadhku inay aad iyo aad u feejignaadaan lana socdaan dhaqdhaqaaqyada habeenkii iyo wax kasta oo wax u dhimaya nabadgeliyaddeena” Ayuu yidhi badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi

Halkan Ka Daawo 

Leave a Reply