Fidmada uu Cabdi-weli Gaas Wado Faro Gubasho Mooyee Faa’iido Kama Helo

0
306

Faallo: Cumar Maxamed Faarax

Sidii hore looga bartay maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay in ay ku duulayaan dalka jamhuuriyadda Somaliland, waxase aan su’aali ka taagnayn in ay dambarsan doonaan durbaannada colaadeed ee ay joogtada u garaacayeen, siddeedii bilood ee la soo dhaafay sannadkan 2018, mana mahadin doonaan guluf kasta oo ay ku soo qaadaan ciidammada qaranka ee dhufayska adag kaga jira deegaannada Tukaraq ee gobolka Sool iyo soohdimaha mucayinka ah ee Somaliland oo dhan.

Wasiirrada warfaafinta iyo arrimaha gudaha maamulka Puntland Mr. Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) iyo Cabdillaahi Cali Timacadde, ayaa Axaddii shalay warbaahinta la soo fadhiistay hanjabaad ay ka muuqatay quus iyo qarracan siyaasadeed, iyaga oo ku muusanaabay in “dagaal lama huraan u yahay” inta Somaliland ku noqonayso deegaanka Oog, taasi oo ah riyo maalmeed aan u rumoobi karin!

Dalka jamhuuriyadda Somaliland waxa uu hadda iyo horeba u caddeeyey inuu mudnaanta kowaad siinayo inay nabad iyo iskaashi kula naaloodaan jaarkooda, hase ahaatee aanay ka baaqsanayn inay ciiddeeda ka hirto cid kasta oo ku soo xad-gudubta.

Waxa nasiib wanaag ah in dalalka ku yaal mandaqadda geeska Afrika ay marag ka yihiin dagaalka ay sarajoogga ku shaaciyeen maamulka Cabdiweli Gaas oo dhabarka u jeediyey isku day qarammada midoobay ku dhacsiinayeen in xiisadda Somaliland iyo Soomaaliya u dhexaysa lagu furdaamiyo hannaan nabadeed oo wadahadal ku dhisan, taasi oo ay Somaliland dhinaceeda si buuxda u aqbashay ergadaas caalamiga ah.

Dagaalka Somaliland iyo Puntland:

Waxa hore loogu soo joogay in muddadii u dhexaysay bilihii December iyo January ee la soo dhaafay ay maaleeshiyaadka Garoowe ku soo xadgudbeen dhulka Somaliland in ka badan labaatan jeer, waxase ay Somaliland xeerinaysay nabad jacaylka ay ku soo caano maashay, balse waxa ay maleeshiyaadka Puntland  weerarkii u dambeeyey ee fool ka fool ah ku soo qaadeen ciidammada Somaliland 24 May 2018, oo ay kala kulmeen faro gubasho ay ka naasnaasiyeen, iyada oo si weyn adhaxda looga kala ridday taliskoodii, waxaannu fadalkii ciidankoodu afka saaray duleedka Garoowe.

Saddex ilaa afar jeer oo ay Somaliland iyo Puntland is haleeleen taariikhda kuma jirto dharaar qudha oo ay maleeshiyaadka Garoowe ay guul kala hoydeen furimaha lagu dagaalamay.

Cabdiweli muxuu ka taransanayaa dagaalka:

Waxa dadka siyaasadda la socda ee reer Puntland ay aaminsan yihiin in maamulkoodu saqiiray amni iyo cuddudba muddadii uu hoggaaminayey Mr. Gaas oo dagaalka Tukaraq ka dhigtay qorshaha kaliya ee cimri-dherer u noqon kara, markii baarlamaanka maamulkaasi ay dhowaan bayaamiyeen in 8-da bisha March ee sannadka 2019 ay qabsoomi doonto doorashadii madaxtinimada maamulka Puntland, taas ayuuna Cabdiweli ka gam i waayey, isagoo go’aansaday in jidka qudha ee uu miciinsan karaa yahay dagaal uu la galo Somaliland, si muddo-kordhin loogu sameeyo.

Somaliland maxaa u furan:

Soomaalidu waxay maahmaahdaa; “Ninkii soo joog laga waayo soo jiifso ayaa laga helaa.” Diblomaasiyan dowladda Somaliland way ka guulaysatay maamulka Soomaaliya, maadaama ay aqbashay ergadii caalamka ee waanwaanta waday, waxaana la gudboon inay dhufayska adkaystaan, si ay dacar u leefsiiyaan maamulka Garoowe ee colaadda ula soo bu’aya, waxaannu madaxweyne Muuse Biixi uu ciyaaray xeelad diblomaasiyadeed oo ay ka muuqato waayo aragnimada uu dheer yahay madaxda Soomaaliya oo siyaasadda ku ah layli aan gaadiidin.

Ugu dambayn, waxaan ku soo gabogabaynayaa fidmada uu waddo Cabdi-weli faro-gubasho mooyee faa’iido kama helo.

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com

Leave a Reply