Gabilay: Ciidanka Nabad Gelyada Waddooyinka oo Xidhay Gaadiid si Xad Dhaaf ah Loo Raray

0
357

Gabilay (Dawan):- Ciidanka nabad gelyada waddooyinka ee gobolka Gabilay, ayaa xidhay gaadiid waawayn oo xammuul ah oo rar xad dhaaf ah la saaray. Isla markaana gaadhiga jooggiisa laban laab rar ka sarreeya mid kastaba la saaray, ka dib markii ay ciidanka nabad gelyada waddooyinka ee gobolka Gabilay ay baabuurtaas qabteen.

Taliyaha ciidanka nabad gelyada waddooyinka gobolka Gabilay Gaashaanle Axmed Muuse Siciid, ayaa sheegay in gaadiidka ay qabteen ay u xidheen in ay sidaan rar dheeraad ah oo ka badan rarkii loogu talo galay baabuurtu in ay qaadaan. Waxaanu intaa ku daray in ay tahay tallaabada ay baabuurta ku xidheen amar ka soo baxay taliska guud ee ciidanka booliska.

Gaashaanle Axmed Muuse Siciid, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi. “Waxaa jira waxyaabo badan oo baabuurta lagu ganaaxo oo lagu qabto oo sharcigu aanu ogolayn. Waxaa ka mid ah liisan la’aanta, cashuur la’aanta iyo baabuurtan imika oo aanu ku haysanno, kuna xidhnay rar dheeraad ah oo ay sidaan. Waxaana qabanaya qodobka 42 ee nabad gelyada waddooyinka.”

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa ku daray. “Waxaan uga digaynaa baabuurta xammuulka ah in ay u raraan baabuurta si ka baxsan sharciga iyo xeerarka nabad gelyada waddooyonka.

Gaadhi kasta oo sida rar la dhaafiyay gaadhiga dhigihiisa oo in gaadhiga dherar leeg alaabtu ka sarrayso waanu qabanaynaa, waana amar uu na siiyay taliyaha ciidanka boolisku.

Waxaannu dirawada kula talinaynaa in intii loogu talo galay gaadhiga ay saaraan oo ay ka daayaan rarkan dhibaatadu ka iman karto ee gaadhigiiba ka dhigay fooqyo isa saaran.”

Tallaabada ciidanka nabad gelyada waddooyinka gobolka Gabilay ay baabuurta rarka xad dhaafka ah la saaray ay ku qab qabanayeen ayaa ah markii ugu horraysay ee laga fuliyo gobolka Gabilay, waxaanay taasi wax badan ka taraysaa yaraynta shilalka gaadiidka oo muddooyinkii u dambeeyay aad u soo kordhayay sababayna qasaare badan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyeed.

Leave a Reply