Puntland oo ku Dhawaaqday Dagaal uu Cimri-dherer ka Dhiganayo Gaas

0
337

Garoowe (Dawan): Maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan Somaliland oo ay ku tilmaameen xoraynta ay dhul ay sheegeen in laga haysto, xili ay socdaan dedaaladda qaramadda midoobya iyo urur goboleedka IGAD.

Waxaanay iclaamiyeen in dagaal toos ah ku soo qaadayaan fadhiisimadda ciidamadda qaranka jamhuuriyadd Somaliland ee gobolka Sool oo ay ka mid yihiin degaanka Tukaraq iyo meello kale.

Shir jaraa’id oo shalay ay magaaladda Garoowe ku qabteen xubnaha guddiga amaanka iyo difaaca ee maamulka Cabdi Weli Gaas, waxay nidar ku mareen in aanay dagaalka joojinaynin ilaa inta ciidamadda Somaliland dib ugu noqonayaan Oog, isla markaana ay xoog ku qabsanayaan meelaha ay sheeganayaan

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Garoowe Cabdillaahi Cali Xirsi (Timo-cade), ayaa ku dhaartay in aanay marnaba aqbalaynin soo jeedintii qaramadda midoobay iyo urur goboleedka IGAD ee ahayd in dagaalka la joojiyo, ciidamadana la kala qaado. Waxaanu ku hanjabay in ay dagaal soo qaadayaan.

Wasiirka arrimaha gudaha oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Intay Somaliland ku jiraan dhulkayaga, waa la dagaalamayaa, dagaal-na wuu dhacayaa, dalkana xoog ayaa lagaga saarayaa, haddii ay ka bixi waayaan. Ma jirto wax la yidhaahdo nabad ayaa la qaatay, waxaanan leenahay ciidamadiina la baxa. Haddii aad la bixi waydaanna dagaal wuu dhacayaa”.

Wuxuu meesha ka saaray in aanay marnaba u hogaansamaynin waan waantii ay UN-ka iyo IGAD ka dhex wadeen Somaliland iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, isla markaana aanay marnaba aqbalaynin dalabkaasi.

Waxaanu si cad u shaaciyay in dagaalkani ay isku raacsan yihiin in la gallo maamulka Puntland, madax dhaqameedka iyo shacabkuba. “Puntland ma qaadanayso, mana qaadan doonto, fikirka ay la yimaadeen IGAD iyo UN-ka. Ninna laga yeeli maayo. Waxay isla qaateen isimadda iyo dawladda Puntland mawqif ah in dagaalka la qaado.

Waxaan u sheegayaa shacabka reer Puntland wallaahi, billaahi tollaahi, dagaal wuu dhacayaa. Anigaa idiinku dhaaranaya, haddii aanay sida ugu dhakhsaha badan uga bixin dhulkayaga ay joogaan” ayuu yidhi wasiirkan ka tirsan maamulka Cabdi Weli Gaas.

Geesta kale wasiirradan shalay ka hadlay Garoowe ayaa loo arkaa in uu soo abaabulay kana dambeeyo Cabdiweli Gaas, oo ay hadda soo waajahday khilaaf culus oo u dhexeeya isaga iyo madaxda ugu sarraysa dawladda federaalka Soomaaliya iyo guul darro weyn oo ka soo waajahday dhinaca musharaxnimadiisa.

Ujeedadda uu ka leeyahay arrintan ayaa lagu macneeyay qorshe uu ku doonayo in doorashadda maamulkaasi ka dhici doonta sannadka danbe dib loogu dhigo, si uu cimri-dherer ugu hello kursigiisa, maadaama oo ay hadda u cadaatay in aanu kursiga ku guulaysanaynin haddii doorasho ay dhacdo.

Gaas oo taa ka duulayana uu bilaabay in wasiirradani ay ku dhawaaqaan dagaalkan cusub, taas oo ah jihadda keliya ee u bannaan ama uu u arko in muddo korodhsi uu ku heli karro.

Dhinaca kale waxaa banaanka u soo baxay khilaaf xoog leh oo u dhexeeya madaxweynaha maamul goboleedka Puntland iyo ku xigeenkiisa oo hadda cadho ugu maqan magaaladda Muqdisho. Waxaanay wararku sheegayaan in khilaafkani oo soo bilawday bishii hore uu la xidhiidho muran ka dhashay arrimaha doorashadda la filayo in maamulkaasi ay ka dhacdo horraanta sanadka danbe.

Cabdixakiin Cumar Camey, oo hadda ku sugan Muqdisho ayaa la sheegay in Gaas uu ku amray in uu Garoowe ku soo noqdo, hase yeeshee Camey ayaa ku gacan saydhay amarkaasi. Iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in Camey uu Muqdisho ugu yeedhay raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo uu khilaaf siyaasadeed ka dhexeeyo Cabdi Weli Gaas.

Socdaalka uu Camey ku joogo Muqdisho ayaa lagu fasiray in ay la xidhiidho si taageero dhaqaale uu u uga hello raysal wasaare Khayre oo la og yahay in colaad meel xun gaadhay ay u dhaxayso Gaas, isla markaana Khayre uu ku hawlan yahay dagaal ah in aanu mar danbe kursiga ku soo noqon Gaas.

Sidaas darteed-na uu bilaabay inuu ku soo hubeeyo Camey markii uu ka war helay khilaafka u dhexeeya Gaas, si ay u wiiqanto taageeradda Gaas iyo in uu xiligan tashuush siyaasadeed ku furo.

 

Leave a Reply