Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibedda ee barlamaanka dalka Jabuuti, xildhibaan Cabdiraxmaan Cawaale Yaasiin oo ku sugan magaalada Hargeysa ee caasimada jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka marag kacay horumarka iyo nabadgelyada ay Somaliland ku tallaabsatay iyo sida shacabka Somaliland ay u soo dhaweeyaan dadka walaalahood ag ee ka yimaada waddamada deriska la’ ah.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cawaale Yaasiin ayaa sheegay in si wanaagsan loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi “soo dhawayn wanaagsan oo aad u diirran ayaa nalagu soo dhaweeyey. Dalkaygii ayaannu joognaa, aadna waanu ugu niyadsannahay, waanan ku hambalyeynaynaa dadka reer Hargeysa,” ayuu yidhi xildhibaanka oo la hadlayey telefashanka maxliga ah ee Horn Cable.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cawaale Yaasiin ayaa ka maragkacay nabadda iyo horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay. Isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Somaliland waa waddan marka la eego xagga amaanka ay dadkiisu dhisan yihiin oo hawlahooda si nabadgelyo ah ay u socdaan, horumar leh oo qofka dibedda ka yimaadaa arki karo nidaamka iyo kala dambaynta ka jirta, waa waddan ku tallaabsaday horumar fiican, kuna ammaanan.”
Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibedda ee baarlamaanka dalka Jabuuti, xildhibaan Cabdiraxmaan Cawaale Yaasiin ayaa sheegay in Somaliland iyo Jabuuti ay wax badan wadaagaan, waxaanu yidhi “Somaliland iyo Jabuuti, waa laba dal iyo laba shacab oo aad iskugu dhow oo xuduuduhu aad iskugu dhow yihiin, taariikh ahaan waa dad qudha oo walaalo ah, laakiin waddan ahaan gumaysiga ayaa kala gooyey. Markaa waxa aad moodaa in aad meeshadii ka timid oo aad haddana meel aad leedahay timid.”
Xildhibaan Cawaale oo la waydiiyey doorka ay xukumadda Jabuuti ka qaadan karta Ictiraaf raadinta jamhuuriyadda Somaliland ayaa kaga jawaabay “arrinta ictiraafku labada dawladood ayey u taalaa, annagu baarlamaan ayaanu nahay oo in aanu dhex galno ma doonayno.”