‘Soomaaliya Waxaan u Sheegayaa in Aannu Haynno Difaac Nagu Filan’ Madaxweynaha Somaliland

0
387

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga jawaabay hadallo colaad iyo hanjabaado xambaarsan oo maalmahan ka soo yeedhayay maamul goboleedka Soomaaliya ee Garoowe.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in aanay Somaliland marnaba maanka ku haynin dhiig daata iyo colaad la abuuro. isla markaana ay ka go’an tahay nabad iyo deris wanaag in ay kula noolaato dawladaha deriskeedda ah.

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah carrabka ugu adkeeyey hadallada dhagaraysan ee ka soo yeedhaya masuuliyiinta ku sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, waxaanu caddeeyey in Somaliland aanay diyaar u ahayn inuu daato dhiig Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Walaallayaal ayaamahan ay xaaraanta tahay in dhiig la daadiyo ama colaad ba la abuuraa, dawladdii Soomaaliya oo dhaar ku maraysay inay Somaliland soo weerarayso oo aanay dagaalka joojinaynin.

Waa mid la yaab leh oo maanta Soomaaliya kama aynu filaynin. iyada oo aynu og nahay wixii Somaliland ku dhacay in aynnu nabad iyo walaaltinimo ka taagannahay oo aynu leenahay dagaal, khasaare iyo colaad intii hore ayaa Soomaali oo dhan ugu filan.

Dadka masuuliyiinta Muqdisho iyo Garoowe jooga ee maanta ku dhaaranaya inay Somaliland soo weerarayaan waa fan-nacuuduka billaahi”.

“Annagu wixii na gaadhay ee horena waannu qabnaa, nabadna waanu ka doonaynaa. inay maanta dad Soomaali ahi isku dhimatana diiniyan iyo dadnimo midna sax ma aha” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadal u jeediyay kumanaan qof oo ka mid ah shacabka Hargeysa oo uu salaaddii ciidda kula tukaday masjid jaamaca Hargaysa.

Geesta kale, madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shaaciyey in ay Somaliland tahay qaran taabbo galay oo isku filan, isla markaana iska difaacaya gardarro kasta oo kaga timaadda cadowgiisa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Soomaaliya waxaanu sheegayaa haddii ay maanta weerarkaas soo qaadaan in aannu haynno difaac nagu filan, in dalka iyo dadka ba ay ciidanka iyo dawladdu ba gelayaan.”

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu sheegay in nabadda iyo walaalnimada ay goor kasta Somaliland ku baaqaysaa aanay ahayn baqe iyo taag darro, balse ay tahay waayo aragnimo iyo xaqdhawr, waxaanu yidhi “Waxaan u sheegaynaa in ay dawladda iyo ciidamadu ku filan yihiin in ay dalka ammaan geliyaan oo aan dalka lagu soo duulin oo aan khalkhal la gelinin oo nabadda aanu intaas ku baaqaynaa aanay ahayn baqe iyo taag darro ee ay tahay waayo aragnimo iyo danta guud oo la eegayo.

Ciddii ka maarmi wayda ee wixii hore, ee maanta Xamar iyo Garoowe ka soo hanjabaysa, miyir qab uma aragno, haddii ay na soo weeraraanna dadka iyo dalka ba waannu daafacaynaa”.

 

Leave a Reply