Somaliland oo Dawladda Itoobiya ku Wareejisay Hanti Laga soo Xaday

0
305

Wajaale (Dawan)- Xukumadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa dalka Itoobiya dib ugu celisay lix iyo toban baabuur oo iskugu jira noocyadda kala duwan ee gaadiidka, kuwaasi oo laga soo dhacay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, hantidaas oo shalay dib loogu lagu wareejiyey xukuumadda Itoobiya.

Gaadiidkan ayaa lala soo baxsaday maalmihii ay shaqaaqooyinku ka socdeen magaalada Jigjiga, ee xarunta Kililka Shanaad, waxaana lala soo gallay gobolada Awdal, Togdheer, Maroodi jeex iyo Gabiley, kuwaas oo badankooda ay dawladdu qabatay, isla markaana ay gacanta ku haysay illaa haatan oo ay dib ugu celisay dawladdii lahayd.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo goob joog u ahaa madashii lagu dib loogu celinayay gadiidkaasi, ayaa sheegay in xukumaddu ay si rasmi ah u wareejisay gadiidkaas lala soo baxsaday, waxaanu yidhi “Xukumadda Somaliland waxa ay wareejinaysaa gadiidkii lagala soo baxsaday dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Labada dawladood waxaa ka dhaxeeya cilaaqaad aad iyo aad u dheer oo muddo dheer soo jiray.”

Taliyaha ciidanka Somaliland sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa isaguna faahfaahin ka bixiyey deegaannada laga soo qabtay gadiidkan lala soo baxsaday, waxaana uu yidhi “Ciidanka booliska jamhuuriyadda Somaliland iyaga oo fulinaya amarkii madaxweynaha, waxa ay hawlgal ballaadhan ka galeen dhammaan xadka isku xidha Itoobiya iyo Somaliland. Laba baabuur waxa laga soo qabtay gobolka Awdal, hal baabuur waxa laga soo qabtay gobolka Togdheer, inta kalena waxa laga qabtay gobolka Maroodi Jeex iyo Gebilay.”

Safiirka dawladda Itoobiya u fadhiya Somaliland, oo isaguna goobtaasi ka hadlay, ayaa ka mahad celiyey dedaalka shacabka iyo xukumadda Somaliland, si ay sugaan hantida lagala soo baxsaday dalka Itoobiya, waxaana uu yidhi “Waxa aannu aad ugu mahad naqaynaa shacabka Somaliland iyo dawladooda, sida ay isku kaashadeen ee ay uga hawlgaleen wixii halkaa (Ismaamulka Soomaalida Itoobiya) ka yimid, aniga oo ku hadlaya magaca dalka Itoobiya aad ayaan ugu mahadnaqayaa.”

Dhinaca kale, laba wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddii madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar oo kala ahaa wasiirka waxbarashadda Ibraahim Aadan Mahad (Ibraahim-Sacad), iyo wasiirka cadaaladda Cabdijamaal Axmed Qaloombi, ayaa la siidaayey ka dib markii dadaal dheer loo galay in xoriyadoodda dib loogu celiyo.

Labadan masuul ayaa laga qabtay madaarka Hargeysa, waxaana la sheegay inay ka soo galeen Somaliland dhinaca Baligubadle ee koonfurta gobolka Maroodijeex, waxaana lagu eedeeyey inay sharci darro ku soo galeen wadanka.

Leave a Reply