Mudanayaal ka Tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo la Baafinayo

0
344

 

Hargeysa (Dawan)- Shirgudoonka golaha guurtida jamhuuriyadda Somaliland iyo xoghayaha guud ee golahaasi Cabdinaasir Aadan Beegsi, ayaa shaaciyay magacyada iyo tirada xildhibaanno ay baafiinayaan. Madanayaasha la raadinayo ayaa la sheegay in uu baaqday fadhigii 19aad ee golahaasi oo aanay ka soo xaadirin.

Sidaana waxa lagu sheegay wareegto ka soo baxday golaha guurtida jamhuuriyadda Somaliland, taas oo lagu shaaciyay magacyada 14 xildhibaan oo ka tirsan golahaasi, kuwaasi oo uu dartood u baaqaday fadhigii 19aad ee golaha guurtida Somaliland.

Wareegtadan ka soo baxday golaha guurtida Somaliland oo uu ku saxeexnaa guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golahaasi mudane Siciid Jaamac Cali Siciid (Timo), oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xarunta wargeyska Dawan, waxa ay u dhignayd sidan:-

“Waxaa lagu wargelinayaa mudanayaasha uu iyaga dartood u baaqday fadhigii 19aad ee golaha guurtida Somaliland oo ku taariikhaysan 26/08/2018, kuwaasi oo kala ah-

Xildhibaan Badal Sheekh Khaliif Sheekh Xasan, xildhibaan Muuse Ciise Faarax, xildhibaan Siciid Xuseen Huruuse, xildhibaan Xasan Cumar Axmed, xildhibaan Axmed Quule Cabdi, xildhibaan Cali Siciid Xaaji Cali, xildhibaan Axmed Nuur Aw Cali Aadan, xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Aareeye, xildhibaan Axmed Maxamed Cabdi, xildhibaan Jaamac Maxamed Hirad, xildhibaan Cawil Cismaan Maxamuud, xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan (Indha-indho), xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan iyo xildhibaan iyo xildhibaan Maxamed Faarax Axmed.

Sidaasi darteed waxaa lagu wargalinayaa in ay ka soo qayb galaan fadhiga maalinta Isniinta oo ay bishu tahay 27/08/2018 haddii Illaahey yidhaaho

Allaa Mahad Leh.”

Leave a Reply