Wasiirka Gaashaandhiga oo Kormeer ku Tegay Mashruuca Banka Wajaale

0
310

Wajaale (Dawan)- Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirka gaashaandhiga Somaliland Eng. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo ay ku weheliyaan wasiirka horumarinta beeraha iyo wasirka qorshaynta qaranka, ayaa kormeer hawleed ku soo maray mashruuca Baahi Reeb ee banka Wajaale, kaasi oo hadda meel wanaagsan maraya.

Waftigan uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland, ayaa ujeedada socdaalkoodu ahaa mid ay ugu kuurgelayaan halka uu marayo mashruucaasi oo loogu talo galay in uu wax weyn ka taro raashinka ciidamada kala duwan iyo kaydka raashinka qaranka.

Maareeyaha mashruuca beer oo baahi reeb ee banka Wajaale Mawliid Xasan Cabdi, ayaa halkaasi hadal kooban ka jeediyay, waxaanu ku dheeraaday ahmiyada uu qaranka u leeyahay mashruucan oo wax weyn ka taraya kabka ciidamada kala duwan ee dalka. Waxaanu xusay in uu hada meel wanaagsan marayo.

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay wasiirka horumarinta beeraha Axmed Muumin Seed oo sheegay in ay hadda beereen in ka badan 700 (todoba boqol) oo higtar, dhulkaasi oo ay ka beereen dalagyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Hadhuudh, Digir, Sinsin iyo Qamadi. Waxaanu sheegay in mashruucani yahay mid aad u ballaadhan oo horumarka qaranka qayb weyn ka qaadan doona, waxa kale oo uu xusay in uu yahay mashruucani midkii ugu horreeyey ee ay si ballaadhan dawladu u hir galiso.

Wasiirka qorshaynta qaranka Cawaale Ibraahin Shirwac oo goobta ka hadlay ayaa ku dheeraaday in ka wasaarad ahaan ay qayb laxaad leh ka qaataan dhammaan horumarka dalka waxaanu si gaar ah u xusay in ay soo dhawaynayaan in mashruuc ballaadhan oo baaxadaas leeg laga hir galiyo banka Wajaale, waxaanu iftiimiyey sida ay muhiimka u tahay in bulshadu isku tashato oo ay dhulkooda wax kala soo baxaan. Sidoo kalena, waxa uu bogaadiyey wasaarada horumarinta beeraha oo ku dhiiratay mashruucaasi.

Gebo gebadii waxa halkaas ka hadlay wasiirka gaashaandhiga Somaliland Eng. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo waftiga hoggaaminayey, isla markaana u kuurgelyay sidii loo xoojin lahaa mashruucan oo qayb weyn ka qaadanaya kabka raashinka ciidanka.

Wasiir Xawar, waxa uu sheegay in ay wax lagu faano tahay in wax soo saar baaxadaas leeg laga samayn karo dalka lana isticmaalo dalaga dalka. Waxaana hadaladisii ka mid ahaa (‘’Runtii farxad weyn ayey ii tahay in aan maanta imaado oo kormeero mashruucan Beer oo Baahi Reeb, ee laga hir galiyey banka Wajaale, kaasi oo ah mashruuc wax weyn ka tari doona ciidamada kala duwan ee dalka raashinkooda.

Waxaa muhiim ah in la kordhiyo oo lagu dhiirado wax soo saarka dalka. ka wasaarad ahaan waanu uga mahad celinaynaa wasaarada horumarinta beeraha, sida wanaagsan ee ay u hir galiyeen mashruucan.”

Leave a Reply