Wasaaradda Caafimaadka oo Gaadhi Ambulance ah ku Wareejiyay Gobolka Saaxil

0
323

Berbera (Dawan): Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maamulka gobolka Saaxil ku wareejiyay baabuur kuwa gargaarka deg dega ah ee loo yaqaano Ambulance.Gaadhigaas oo loogu tallo galay dadka qoxoontiga iyo barakaceyaasha ah ee ku nool Berbera.

Baabuurkan Ambulance-ka ah oo ay ku soo caawisay hay’adda qaramadda midoobay u qaabilsan qoxoontiga ee UNHCR. Waxaana madashii lagu wareejinayay goob joog ka ahaa badhasaabka Saaxil, maayarka Berbera iyo guddoomiyaha hay’adda qoxoontiga iyo barakaceyaasha Somaliland.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka C/naasir Cumar Yare, ayaa kula dar daarmay maamulka gobolka Saaxil iyo ka degmadda Berbera in ay ilaashadaan gaadhigan Ambalance-ka ah, isagoo xusay in uu wax badan ka tari doono u gar gaarida qoxoontiga Yemen ka imanaya.

Waxaanu yidhi “Duruufaha gobolka Saaxil ka jira waxaa ka mida iyadoo dhul aad u badan oo qarfo ah ay gobolka ku yaalaan, oo wadooyin aan lahayn. Waxa kaloo jira dhul Xeeb ah, oo aad u dheer, oo harraad loogu dhinto. Waxaa ku yaalla meello badan oo nolol ahaan ay adag tahay.

Waxaa intaa dheer gobolka Saaxil wuxuu saddexdii sanadood ee u danbeeyay hooy u noqday gaar ahaana Berbera, dadka qoxoontiga ah ee ka soo qaxaya colaadaha Yemen, sidaas darteed ayaa gaadhigana loogu tallo galay in qayb ka noqdo caawinta dadkaas”.

Sidoo kale guddoomiyaha hay’adda qoxoontiga iyo barakaceyaasha Somaliland C/kariin Xinif, oo tilmaamay in baabuurkani loogu tallo galay qoxoontiga Somaliland ka soo gala dhinaca dekadda Berbera, balse bulshadda gobolkana loogu adeegi karo. “Gaadhigan waxaa loogu tallo galay dadka qoxoontiga ah ee dibadaha inooga imanaya ee Berbera ka soo degaya, laakiin kama caagana ummada gobolka in loogu shaqeeyo.

Sababta oo ah, dadka qoxoontiga ahba waxaa markii hore loogu shaqayn jiray gaadiidka caafimaadka ee gobolka yaalay”ayuu yidhi C/kariin Xinif.

Badhasaabka Saaxil, oo isna halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in baahida ay baabuurkan Ambulance u qabeen aanay ahayn qoxoontiga Yemen ka imanaya oo keliya balse gobol ahaan ay u baahnaayeen.

“Baahidu ma ahayn oo keliya qoxoontiga ka imanaya Yemen in wax loogu qabto, balse aad ayay uga balaadhan tahay baahida aanu u qabnaa in Ambulance lagu qabto. Dadka barakaceyaasha ah dalka gudihiisa way ku barakacaan, oo laagu gurman karaa” ayuu yidhi badhasaabka Saaxil.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Qoxoontiga Yemen ka imanaya ee cid kasta leh na waa u hal-bawle. Waanay dhacday maalmo hore in dad qoxoonti ah oo dhintay wax aanu maydki ku soo qaadno waynay.

Marka qof mayd ah oo Badda ku soo dhintay ay timaado gaadhigii keli ahaa ee aad haysatay, ee aad umusha ku qaadaysay saari maysid, waa in gaadhi u gaara la hello”.

Leave a Reply