“Madaxweynuhu Waa Illaaliyaha Ugu Sarreeya Dasruurka” Agaasime Waraysi gaar ah

0
324

Hargeysa (Dawan):- Agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xuseen Dhabbeeye, ayaa sheegay in madaxweynaha qaranku uu yahay Illaaliyaha ugu sarreeya ee dastuurka dalka. Isla markaana xeerarka dalku marka ay ka soo fulaan goleyaasha qaranka ee madaxweynuhu uu saxeexo oo keliya ay noqdaan xeerar sharci ah oo dalka lagu dhaqo.

Waxaa kale, oo uu caddeeyay in dalka Somaliland aanay suuragal ahayn in xeer ka hor imanaya shareecada Islaamka in loo soo saaro oo laga hir geliyo. Iyada oo dastuurka dalku uu caddeeyay in wax kasta oo shareecada dalka ka hor imanayaa aanay bannaanayn oo dastuurka dalkuna uu ku salaysan yahay shareecada Islaamka.

Waxa kale oo uu bulshada u soo jeediyay in ay dalka dastuurkiisa iyo shuruucdiisa ay bartaan oo ay ogaadaan wuxuu muwaadinku xaqa u leeyahay iyo waajibaadka saaran ee laga doonayo. Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xafiiskiisa ku siiyay wargeyska Dawan.

Agaasime Dhabbeeye oo la waydiiyay su’aal la xidhiidhay xeerka xakamaynta Kufsiga la sheegay in uu shareecada Islaamka iyo siday wax uga jiraan, ayaa ku jawaabay. “horta mashruuc sharci marka uu xeer noqonayo waxaa uu soo maraa dariiqyo badan oo kala duwan waxaanu ku yimaadda laba siyaabood ama goleyaasha sharci dejinta,ayaa curiya oo uu ka yimaadda ama xukuumadda ayaa u soo gudbisa oo madaxweynaha, ayaa goleyaasha u soo gudbiya ka dibna waa laga doodaa oo wax ka bedel iyo kaabis ayay ku sameeyaan labada gole. Marba mid ayaana waajibaadkiisa ka guta.

Marka uu labada gole ka soo boxo waxa loo gudbiyaa madaxweynaha oo haddii uu ku qanco saxeexa oo sidaas ku dhaqan geliya. Haddii uu ku qanci waayana dib ayuu goleyaasha sharci dejinta ugu soo celiyaa.

Markaa, horta xeerkaasi imika wuxuu ku jiraa jidkii uu mari lahaa, waxaanu hor yaallaa madaxweynaha, oo ah illaaliyaha koobaad ee dastuurka dalka, masuuliyadda ugu sarraysa ee qarankana madaxweynaha ayaa inoo haya.

Somalilandna waa dal muslim ah suura galna maaha in goleyaasheena sharci dejinta uu ka soo boxo xeer diinta Islaamka gef ku ah haddiiba ay dhacdo in wax u dhuuntaan oo uu ka gudbona madaxweynaha ayaanu soo dhaafayn dalku waa muslimdiin aan ta islaamka aan ahaynna laguma dhaqi karo laguma faafin karo wax kasta oo ka soo hor jeeda diinta Islaamkana laguma maamuli karo. Markaa hadalka suuqa inta la iska daayo xeerku ha soo boxo waanan hubaa in madaxda iyo goleyaasha qaranku in aanay soo saarayn xeer diin ahaan aan bannaanayn.”

Agaasimaha guud oo la waydiiyay halkay u marayaan qorsheyaal ay doonayeen in ay dadka ku baraan dastuurka, ayaa ku jawaabay. “Waa qorshe ballaadhan oo hawshiisa leh waana markii ugu horraysay ee dastuurka dalka loo sameeyay wasaarad u gaar ah waxaana loo baahan yahay in qofka muwaadina ahi uu barto wuxuu xaq u leeyahay iyo waajibaadka saran.

Arrintaasi waxay meesha ka saaraysaa waxyaabo badan oo maanta aynu ku habsaannay oo wakhti badani innagaga lumo. Wuxuu qof kasta oo muwaadin ahi ogaanayaa wuxuu xaq ugu leeyahay masuulka xil u haya ee uu kula xisaabtami karo iyo waajibaadka isaga saran.

Waxaad maanta arkaysaa iyada oo lagu doodayo beel heblaayo ama reer hebel hadaanu nahay wax baa naga maqan. Meel dastuurka qaranka ay kaga taallo xuquuq reer hebel iyo beel heblaayo ay leedahay ma jirto. Dastuurku wuxuu dammaanad qaadayaa xuquuqda muwaadiniinta, waxaanu sugaya xorriyaddooda iyo badqabkooda.

Marka uu qofku garto waxa uu xaq u leeyahay iyo waajibaadka saaran ayuu dalku dhismayaa oo ay soo baxayaan muwaadiniin dalku leeyahay. Laakiin inta aynaan baran dastuurkeena iyo xeerarka ka farcamay ee dalku leeyahay waxaynu ahaanaynaa dad isku haysta wax aanay garanayn oo ka wada doodaya wax aanay xaq u lahayn.

Markaa qorshahayaga koobaad waa in aanu dadka barno dastuurooda oo aanu qof kasta gaadhsiino iyo in lagu daro manhajka waxbarashada oo ardaygu isguulka ku dhigto dastuurkiisa oo isaga oo yaqaana uu ka soo boxo oo la xisaabtami kara madaxdiisa oo uu odhan karo madaxweynaha waxaan kuu dooranay in aad waxaa iyo waxaa noo qabato, waxaas ayaana kugu qabyo ah.

Xildhibaankii uu soo doortay uu odhan karo waxaas iyo waxaas ayaad bulshada wakiil uga ahayd oo maad gudan ama uu ku abaalmarin karo masuulka qaran ee xiliisa ka soo baxa. Hawshaana waanu wadnaa illaa ay dadku shuruucda dalka bartaanna waxaad ogaataa in wax badani ay qabyo innaga yihiin oo innaga dhiman yihiin xil weyn ayaanan iska saaraynaa in bulshada Somaliland miyi iyo magaaloba in aanu gaadhsiino qofkasta oo muwaadin ah in uu barto dastuurkiisa,” ayuu yidhi agaasime Maxamed Xuseen Dhabbeeye, waraysiganna waxa uu wargayska Dawan siiyay intaanu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi dhaqan gelinin xeerka xakamaynta Kufsiga.

 

Leave a Reply