Wasaaradda Maaliyadda oo Keentay Mashiin Casri ah oo Cashuuraha Lagula Soconayo

0
391

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi iyo masuuliyiinta waaxyaha cashuuraha ee wasaaraddaas, ayaa shalay si wada jir ah u soo bandhigay qalab cusub oo hab casri ah u shaqaynaya oo lagu qaadi doono cashuurta badeecadda iyo adeegga, isla markaana qaybta koowaad la hirgeliyey oo qaab online iyo elagtaroonik ah u shaqaynaya.

Qalabkaas ayaa lagu bilaabi doonaa 140 meheradood oo Hargeysa ku yaalla iyo nidaam kale oo ay hay’adaha dawladdu hharashaadka kaga dalbanayaan wasaaradda maaliyadda iyo sidoo kale adeeg lagu ogaan karo xaddiga lacagta meheradaha soo gasha iyo cashuurta ku waajibta ba.

Waxaana sidaas lagu sheegay shir jaraa’id oo uu wasiirka maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi ku qabtay xafiiska cashuuraha berriga wasaaradda horumarinta maaliyadda ee magaalada Hargeysa, waxaanu shirkaasi jaraa’id uu wasiirku kaga warbixiyey qalabkaas iyo adeegga lagu fulin doono. Iyaga oo markii dambena mid mid u galay qolalka qalabkaasi ku rakiban yahay ee ay seerfarradyu yaalaan, mid walbana masuulka qaabbilsani sharraxaad ka siiyey wasiirka.
“Waxaannu maanta si rasmi ah ummadda ugu soo bandhigaynaa in hawlihii aannu wadnay qaar ka mid ahi ku jiraan marxaladohoodii ugu dambeeyey, waana cashuurta loo yaqaanno (GST ama Goods and Service Tax), cashuurta badeecadda iyo adeegga, cashuurtaas oo wax badan ka shabbahda cashuuraha adduun weynaha iyo dalalka horumaray caanka ka ah ee loo yaqaanno cashuurta qiimaha lagu daray.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Yuusuf.
Wasiirka horumarinta maaliyaddu Yuusuf Maxamed Cabdi, waxa uu intaasi ku daray, “Haddaba, waxaan doonayaa in aan dadka la socodsiiyo innaga oo hore u daahfurnay xafiiska ganacsatada waawayn lagu diiwaangeliyo oo ganacsade kasta oo dalkan wax soo dejiya ama ka dhoofiya siinaya baadi sooc uu mid waliba gaarkiisa u leeyahay. Waxaannu isla garannay ganacsatada waawayn ee dalku leeyahay oo illaa 150 ah kuwa wax soo dejiya iyo kuwa wax dhoofiya iyo kuwa adeegyada kale iyo wax soo saarka kala duwanba ka shaqeeya, in aannu marka hore ku sii bilawno cashuurta tan hudheellada waawayn iyo xafiisyada tigidhada socdaalka laga goosto iyo Xafiisyada shirkadaha laydhka inaannu ku sii tijaabinno.”

Wasiirka horumarinta maaliyadda Yuusuf Maxamed waxa uu sheegay xaddiga cashuureed ee dawladda ugu jirta qiimaha alaabta uu ganacsaduhu iibinayo, waxaanu yidhi; “Cashuurtan xaddigeeddu waa 5% (waa shan boqolkiiba) oo qiimaha lagu dhufanayo oo ka mid ah cashuuraha loo yaqaanno cashuuraha isticmaalka ee dadka ganacsatada ah iyo dadka u shaqeeyaa marka la tabobbaro, heshiis suganna lala galo, mishiinnadana lagu wareejiyo ay iyagu ururinayaan, waaxda cashuuraha berriga iyo xafiiska hanti-dhowrkuna ay ku dabo galayaan oo ay ku hubinayaan, isla markaana lala soconayo.

Markaa, Hargeysa ayaannu u qaadannay tijaabo ahaan 140 hudheel inaannu ku sii bilawno hawsha. 140-kaa hudheel 29 ka tirsani waxay yeesheen mishiinnada utumaatigga qiimaha waxay gadaan lagu geliyo, markaa 29-kaas Hudheel dib baannu u dhigannay, si aannu is-waafajinta Qalabkooda u samayno.”

Wasiirku waxa uu sheegay in boqol iyo koobiyo toban huteel hadda si rasmi ah ugu bilaabi doonaan adeeggaas, waxaanu yidhi; “Laakiin, waxaannu si toos ah u qaadannay 111 hudheel, immika waxaannu dhignay 14 ka mid ah oo ay Mishiinnadani yaallaan oo qaab casri ah dhacdo maaliyadeedka ganacsi siduu u shaqaynaayo tijaabo weli ku socda, waayo? Waxaannu doonaynaa markaannu dhammaan mishiinnada wada dhigno mehradaha, ganacsatada waawayn ee aannu u astaynay hawshan, ayaannu u samayn doonnaa xaflad weyn oo daahfur u ah, taas oo markaas si rasmi ah ay u bilaabmi doonto ururinta cashuuraha muhiimka u ah wasaaradda.”

Geesta kale, wasiirka iyo masuuliyiin kale oo wasaaradda ka tirsan, ayaa mid mid isu-dul-taagay mishiinnada iyo seerfarrada hawlgelinaya qalabka cusub ee la dhigayo goobaha ganacsi ee cashuurta qiimaha adeegyada ganacsatadu bixiyaan lagu darayo, qalabkaas oo isugu jiray kuwo lagula soconayo xogta cashuurta dawladdu ku yeelanayso lacagta ganacsaduhu ka helo adeegyada uu iibiyo iyo qalab kale oo lagu kaantarroolayo Biilasha ganacsatadu leedahay iyo Kharashka ay soo dalbadaan wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladda, qalabkaas oo si online ah iyo si elegtaroonik ahba u shaqaynaya iyo weliba xafiisyada laga maamulayo, iyaga oo Wasiirka mid walba masuulka qaabbilsani warbixin ka siiyey nidaamka uu u shaqaynayo iyo haddii qaarkood Caqabado ku yimaaddaan sida aanay shaqadu u istaagayn ee markaba xalkeeda loo galayo ama loo xallin karo.
Waa markii ugu horreysay ee Qalab noocan ah oo kor loogu qaadayo nidaamka cashuur-ururinta dawladda Somaliland ay hirgeliso wasaaradda horumarinta maaliyaddu, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi oo tilmaamay in adeeggani wax weyn ka tari doono kor u qaadista dakhliga Somaliland, maaddaama oo aanu dalku lahayn warshado wax-soosaar iyo dhaqaale buuran toona.

Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda horumarinta maaliyaddu waxay bulshada u soo jeediyeen haddii aan ganacsadaha cashuurta ka qaadayaa tusin tigidhka cashuurta dawladda iyo qiimaha waxa laga iibiyey ku wada qoron yihiin, inaanay bixin cashuur, inkasta oo ay masuuliyiintu sheegeen in ciidammada dharcadda ah ee C.I.D-da qayb ka mid ahi si online iyo elegtaroonik-ba ah taleefannadooda gacanta ugala socon doonaan sida ay meheradaha ganacsigu ugu shaqaynayaan adeeggan casriga ah ee cashuur-ururinta qayb ka noqonaya.

Leave a Reply