Somaliland iyo Sucuudiga oo ka Wada Hadlay Xoojinta Xidhiidhkooda Ganacsiga

0
339

Jeddah (Dawan)- Wefgiga xukuumadda ee uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ee ku sugan dalka Sacuudi Arabaya, ayaa kulan la qaatay madaxda iyo masuuliyiinta rugta ganacsiga ee Jeddah chamber of commerce and industry.

Kulankan laba geesoodka ah, ayaa lagu gorfeeyay sidii looga midho dhalin lahaa, loona xoojin lahaa xidhiidhkii ganacsi ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya dalalka Somaliland iyo Sacuudi Arabiya, isla markaana kor loogu qaadi lahaa is fahanka iyo xoojinta arrimaha ganacsi is weydaarsiga labada dal.

Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo masuuliyiinta rugta ganacsiga Sucuudi Arabiya, waxa ay kulankoodan ku falanqeeyeen hindisayaal lagu dardar galinayo ganacsiga xorta ah oo wax weyn ka taraya koboca dhaqaalaha bulshada labada dal. 

Waxaanu madaxweyne ku xigeenku ku marti qaaday rugta ganacsiga ee Jeddah chamber of commerce and industry dalka Somaliland in ay yimaadaan, iyaga oo wata ganacsatada ugu waawayn dalkaasi Sucuudiga iyo khaliijkaba, kuwaaso oo uu ku marti qaaday in ay booqasho rasmiya ku yimaadaan Somaliland, iyaga oo qiimayn ku samayn doona ganacsiga Somaliland, xoogana saari doona kobcinta iyo tayeynta beeraha oo ay gacan ka geysan doonaan, kuwaasi oo dersi doona sidii Somaliland looga hirgelin lahaa timir tayo leh oo ka baxda Dalka. Sidoo kale waxa ay maalgelin ku samayn doonaan wax soo saarka iyo dhoofinta Kalluunka iyo iibka Xoolaha Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaaciil waxaa kulankan ku wehelinayay gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, siyaasi Maxamed Duur Carraale Nuur, iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, Mudane Maxamed Muuse Abees.

Weftigan uu hogaaminayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo waajibaadka xajka ku soo gutay dalka Sacuudi Arabaya, ayaa guulo diblamaasiyadeed ka soo hooyay socdaalkoodan, ka dib markii si meeqaamkeedu sarraysa madaxda ugu sarreysa dalka Sucuudigu ay ku qaabileen wafdiga madaxweyne ku xigeenka Somaliland. Sidoo kale waxa halkaasi lagu soo ibo furay xidhiidho cusub, kuwaas oo dhax mari doono bulshooyinka labaddaa dal ku kala dhaqan.

Leave a Reply