Guddoomiyaha Baanka Dhexe oo Hor Tegay Guddida Dhaqaalaha Wakiilada

0
367

Hargaysa (Dawan):- Guddi hoosaadka dhaqaalaha iyo maaliyadda ee golaha wakiillada Somaliland ayaa shalay kulan la yeeshay guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi.

Kulanka guddida iyo guddoomiyaha Baanka, ayaa lagaga wada hadlay shaqada iyo waajibaadka uu baanka dhexe qaranka u hayo iyo shaqadiisa sida uu u guto.

Markii kulanku soo dhamaaday waxaa wada jir warbaahinta ula hadlay guddoomiye ku xigeenka guddida dhaqaalaha iyo maaliyadda ee golaha wakiiladda Maxamuud Axmed Obsiiye iyo guddoomiyaha Baanka dhexe Cali Ibraahin Jaamac (Baqdaadi). Waxaanay labada masuul sheegeen in qodobadii ay ka wada hadleen ay si fiican isula garteen kulankooduna la xidhiidhay wada shaqaynta guddida iyo baanka dhexe ka dhaxaysa.

Guddoomiye ku xigeenka guddida oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Waxaanu ka waraysanay guddoomiyaha baanka dhexe sida sharcigu noo ogol yahay arrimaha shaqada uu baanka dhexe u hayo qaranka iyo meesha ay wax u marayaan iyo xeerarka ku aaddan baanka dhexe ee hore loo ansixiyay,guddoomiyuhu waxa uu warbixin naga siiyay wixii uu qabtay muddadii uu xilka hayay, waanan ku qanacnay waxaanan rejaynaynaa wixii qabyo ah ee ku xidhan baarlamaanka ee khuseeya baanka dhexe in aanu dhamaystirno. Waxaananu isla garanay in baanku noqdo mid la shaqeeya baananka caalamka oo aanu tixgalino”.

Guddoomiyaha baanka dhexe oo isna kulanka uu la yeeshay guddida dhaqaalaha ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu ka wada hadalnay xeerarka baanka dhexe gacanta ku hayo kuwii uu u soo gudbiyay golaha wakiilada ee horyaalla iyo kuwa wali qabyada ah.

Si wanaagsan ayaanu isugu afgaranay dhammaan qodabadii aanu ka wada hadalnay, waxaana naga wada go’an in uu kobco dhaqaalaha waddanku waxaana ka horraysa in la dhamaystiro xeerarkii baananka.”

Leave a Reply