Tartan Cayaareed Noociisu Aanu Hore Dalka uga Dhicin oo ka Furmay Hargaysa

0
292

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo cayaaraha Somaliland Boos Mirre Maxamed, ayaa sheegay in xukuumadda talladda haysa ee madaxweyne Muuse Biixi ay ahmiyadda koowaad siinayso horumarinta iyo dhisidda mustaqbalka dhalinyaradda.

Waxaanu tilmaamay in ay xukuumadda ka go’an tahay, kuna bar-bar taagan tahay dhiiri gelinta da’yarta, isla markaana wax kasta oo taageero ah oo ay u baahdaan dhalinyaradu ay la bar-bar taagan yihiin.

Wasiirka cayaaraha Somaliland, waxa kale oo uu xusay in ka xukuumad ahaan ay u qorshaysan tahay in horraanta sannadka soo socda ay bilaabaan hirgelinta mashaariic lagu tayaynayo kor u qaadidda waxbarashadda iyo cayaaraha ee dhalinyaradda.

Boos Mirre Maxamed, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay furitaanka tartan kubbada cagta ah oo noociisu dalka ku cusub yahay oo uu shalay ka furay garoonka Barbaarsame oo ku yaalla xaafadda Jigjiga Yare e degmadda Ibraahim Koodbuur.

Tartankan oo socon doonna muddo laba sannadood ah waxaa ka qayb qaadanaya cayaartooy ka kala socda kooxaha ka dhisan caasimadda Hargaysa ee ay da’doodu u dhaxayso 12 jir ilaa 16 jir.

Waxaana maalgelinta iyo qaban qaabadda koobkan soo agaasimay Barbaarsame Academy, iyadoo mudadda uu socdo ay cayaaruhu ka dhici doonaan 3 garoon oo kala duwan.

Wasiir Boos, oo ka warbixinayay siyaasadda xukuumadda ee ku aadan dhiiri gelinta dhalinyaradda iyo bahda cayaaraha waxa uu yidhi “Xukuumadda hadda ee uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaa naga go’an oo ahmiyadda koowaad noo ah in aanu dhiiri gelin iyo wax kastoo ay u baahdaan ba siino da’yarta iyo cayaaraha.

Dawlad ahaan waxaa naga go’an in aanu meel walba oo cayaaraha iyo dhalinyaradda lagu dhiiri gelinayo aanu nimaadno, oo aanu iskiin bar-bar taagno”.

“Mashaariicda soo socda ee aanu ku taamayno ama waxbarasho ha ahaato ama cayaaraha, oo labadda sanadood ee u horeeya in ay fulaan aan rejaynayaa, waxaa ka mida sidii loo horumarin lahaa cayaaraha iyo dhalinyaradda, isbedel balaadha na waynu arki doonaa, marka mashaariicdaasi bilaabmaan.

Waxaa la sheegaa in dalkeen na dhalinyaradu ay ka yihiin 70% (boqolkiiba todobaatan) haddii aanay kaba badnayn ba, waxuun baana lagaga bixi karaa sidii loo horumarin lahaa, loona jihayn lahaa in ay iskaashadaan shacabka iyo dawladda oo ay gacmaha is qabsadaan”ayuu yidhi wasiir Boos.

Geesta kale wasiir Boos, ayaa kula dar-daarmay kooxahan dhalinyaradda ah ee tartanka ka qayb qaadanaya in aanay ka leexan dariiqa toosan ee ay hadda ku socdaan, isla markaana ay noqdaan kuwo leh hiigsi iyo mustaqbal wanaagsan.

Isaga oo tilmaamay in dhalinyaradda oo wanaagsanaataa ay hormood u noqonayaan nabad gelyadda wadanka iyo horumarkiisa. Waxaanu yidhi “Dhalinyaradiinan waa in dariiqan toosan ee aad hadda haysaan, aydaan bedelin. Waxa kaloo aad hormood u noqonaysaan nabad gelyadda wadanka.

Waxaan u sheegayaa dhalinyaradda qal-qaalinimadda ku jirta iyo kuwa hawlaha kale ku jira, in ay daawadaan mustaqbalka dhalinyaradan yar yar. Faa’iidooyinka cayaaraha waxaa ka mida waxaa laga helaa nabadda iyo isku duubnida. Aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa cid kastoo gacan ka gaysatay qaban qaabadda iyo hirgelinta tartankan”.

Dhinaca kale guddoomiyaha Bar-baar Same Academy oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka sheekeeyay faa’iidadda ay cayaaruhu u leeyihiin dhalinyaradda. Waxaanu tilmaamay in da’yartu ay cayaaraha kaga bad-baadi karaan isticmaalka mukhaadaraadka, balwadaha iyo tahriibka.

Gebagebadii furitaanka tartan cayaareedkaasi ayaa Bar-baarsame Academy waxay shahaado sharaf ku gudoonsiiyeen wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo cayaaraha Boos Mirre Maxamed.

Leave a Reply