Warbixin Somaliland ku Majeeratay Xakamaynta Ugaadhsiga Duur-joogta

0
289

Hargeysa (Dawan)- Majladda Namibia Economist oo falanqeysa arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ayaa baahisay warbixin jamhuuriyadda Somaliland lagu ammaanay, xukunkii maxkamadda degmadda Hargeysa ay ku riday 27kii bishan laba nin oo si sharci darro ah dalka uga dhoofinayey lix Hari-macad.

Siday soo werisay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, warbaahinta Namibia Economist waxay sheegtay in jamhuuriyadda Somaliland ay qalinka ku duugtay xeerarka daryeelka iyo ilaalinta duurjoogta isla markaana ay ayiday shan qaraar oo caalamiya oo uu ka mid yahay xeerka ilaalinta duurjoogta Afrika.

Majaladda Namibia Economist waxay intaas ku dartay in Somaliland oo ah dal rubuc qarnigii la soo dhaafay madax-bannaanaa oo ku yaalla bariga Afrika ay maxkamad xukuntay eedaysaneyaal laga soo xidhay 5tii Bishan degaanka Ceel-sheekh.

Warkan waxa kaloo lagu sheegay in lixdaas Hari-macad ay jireen saddex illaa toddoba bilood, iyadoo xukuumadda Somaliland xiligan ka xanaanaynayso tamar darradii soo foodsaartay muddadii sida sharci darrada ah loo haystay.

Warbixintu waxay xaqiijisay in ururka Sanduuqa daryeelka Hari-macadka (Cheetah Conservation Fund) oo xaruntiisu tahay waddanka Namibia ay iskaashi wada shaqeyneed oo la xidhiidha ilaalinta Hari-macadka ay la leeyihiin dawlado iyo ururada maxaliga ah ee dalalka bariga Afrika. Agaasimaha fulinta ururkaas Dr Laurie Marker, ayaa bayaamiyey inay walaac weyn ka qabaan ugaadhsiga Harimacadka ee ka jira waddamada Bariga Afrika, waxaanu Somaliland ku bogaadiyey maxkamadda la saaray dadkii lagu soo qabtay iyagoo tahriibinayey Hari-macad.

Wasiirka degaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland, Marwo Shugri Xaaji ismaaciil Bandare, ayaa caddeysay inay ku faraxsan tahay xeerarka iyo siyaasadda ilaalinta duurjoogta qaranka oo ay xukuumaddu meelmarisay. Waxa kaloo warbixinta Namibia Economist lagu sheegay in qiyaastii sannad kasta Somaliland laga xado ilaa 300 oo Harimacad.

Maxkamadda degmada Hargeysa ayaa 27kii bishan min saddex sannadood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed ku xukuntay Cumar Yuusuf Mahdi iyo Cumar Cismaan Maxamed oo lagu helay dambi ah inay si sharci darro ah uga dhoofinayeen Dalka lix Harimacad.

Leave a Reply