Xukuumadda Somaliland oo Gacan ka Geysatay Tahriibeyaal Dirqi Lagu Samato Bixiyey

0
295

Hargeysa (Dawan)-Xukuumadda Somaliland iyo Xafiiska Hay’adda IOM ee muhaajiriinta u qaabilsan Qarammada Midoobay ku leedahay Hargeysa, ayaa wadajir u taageeray tahriibeyaal Itoobiyaan ah oo muddo lix maalmood ah ku jiray badda, kadib markii dooni ay wateen oo ay ugu safrayeen Sucuudigu ka ciladowday, kuwaasi oo lagu celiyey waddankoodii.

Tahriibeyaasha Itoobiyaanka ah oo tiradooda ahayd 63 qof ayaa la keenay magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay ka heleen hoy, cunto iyo tallooyin ay siisay Ha’yadda IOM.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu baahiyey Jimcihii shalay Wargeyska Addis Standard oo ka soo baxa Itoobiya, waxaana lagu sheegay in tahariibeyaasha Itoobiyaanka ahi ay bishii July ee sannadkan ka kicitimeen Jabuuti iyagoo u sii jeeday dalalka Sucuudiga iyo Yeman.

Warku wuxuu intaas ku daray in laba qof oo ka mid ah tahriibeyaashaasi Itoobiyaanka ahi ay gaajo iyo haraad ugu dhinteen badda, kadib markay ka go’ay sahaydii ay siteen.

muhaajiriintan waxa soo badbaadiyey markab ganacsi oo gacan ka helay maamulka gobolka Saaxil, ciidanka ilaalada xeebaha iyo Ha’yadda qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland.

Samhar oo ah 22 jir ah ayaa waxyar ka hor intii aan dib loogu celin Itoobiya sheegtay inay cashar adag ka baratay halistii soo wajahday muddadii ay badda ku jireen, waxaanay tilmaantay inay iyada iyo qoyskeeduba ku faraxsan yihiin inay dib isku arkaan.

 

 

Leave a Reply