Daawo Xildhibaan Warfaa oo Tilmaamay in Rejadii Lagu Doortay Madaxweyne Muuse ay Rumowday

0
312

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo kamid ah mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland, ayaa sharraxay sababaha madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, uu kaga guulaystay labadii musharax ee doorashada kula tartamayay ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo UCID Eng. Faysal. Taas oo uu ku sheegay in ay ahayd hal adaygnimo iyo kalsooni ay dadku ku qabeen in xukuumaddiisu ay noqon doonto mid ka fog musuq maasuq iyo in maddaxweyne Muuse uu karti iyo ku dhac u leeyahay in uu dib u soo celiyo hantida qaran ee ummadda laga dhacay muddadii ay Somaliland jirtay ee ay dalka ka soo talinayeen xukuumadihii kala dambeeyay.

Waxa kale oo uu xildhibaan ku si weyn ugu taageeray madaxweynaha qaranka qorshaha dib loogu diiwaan gelinayo guud ahaan hantida qaranka iyo in la soo celin doono dhammaan wixii hanti qaran ah ee aan ku bixin sifo sharci ah.

Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, waxa kale oo uu ka hadlay Somaliland iyo jidka siyaasadeed ee ay kula xidhatay dawladaha khaliijka oo uu sheegay in ay tahay tallaabo guul u ah Somaliland oo kor u qaaday meeqaamka Somaliland ay ku leedahay caalamka.

Waxaanu sidaa kaga hadlay xildhibaan Warfaa, waraysi gaar ah oo uu siiyay wargayska Dawan. Isaga oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay sida uu u arko diiwaan gelinta hantida ma guurtada ah ee qaranka ee xukuumaddu bilawday, ayaa yidhi. “Diiwaangelinta lagu sameynayo hantidii guurtada iyo ma guurtada aheyd ee ay laheyd Somaliland 27-kii sanno ee ay jirtay, wixii aan sifo sharciya ku bixinna waa laga daba tegayaa, aad iyo aad ayaan u soo dhaweynayaa.

Madaxweyne Muuse Biixi waxaa loo doortay ee codka aqlabiyadda ah ee uu 80-kun ku hogaaminayay loo siiyay waxaa uu ahaa wakhti soo maray Somaliland oo xoolihii umadda illaa maalintii lala soo noqday madaxbannaanida Somaliland aan waxba loo diiwaan gelin, lana boobayay.

Markaa waxaa loo baahday nin adag, oo xoolihii ummada ee la dhacay gacan bir ah ku qabta soona celiya, ka daba taga oo keena, waxaana leysla gartay saddexdii nin ee u tartamayay jagada madaxtinimo inuu yahay ninka sifahaa lihi Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne codka sidaas ayaa lagugu siiyay 80-ka kun ee aad dheerayd ragga kula tartamayay, maantana ummadu wali way ku eegaysa madaxweyne, anigu intaas oo sifo in aad leedahay oo aad tahay nin karti leh, ku dhac leh, hadal adeg oo inta uu joogo aan shilin kale meel kale la marineyn in aan ku barto waan ku hoos joogey.

Waxaan qabaa in inta aad joogto golahaaga wasiiradda ninna aanu gaadhi iibsan Karin, ninna daar cad dhisan karin, waan ogahay in aad gacan bira ku qabaneyso”

Halkan  Ka Daawo

 

Leave a Reply