“Dadka Waa in la Baro in Wax la Wada Leeyahay.” Madaxweyne Muuse

0
335

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in loo baahan yahay in hantida qaranka loo sameeyey mulkiyad, waxaanu ku taliyey in bulshada Somaliland la baro wax wada lahaanshaha.

Madaxweynuhu wuxuu sidaas ka sheegay khudbad uu Sabtidii ka jeediyey shir uu ku daahfuray mashruuc lagu tiro-koobayo hantida maguurtada ah ee dowladda oo ay wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeyntu ka samayn doonto gobollada Somaliland oo dhan.

“Waxaan uga mahadnaqayaa wasaaradda hawlaha guud iyo dhulka inay soo qabanqaabisay mashruuc lagu diwaangelinayo hantida guud ee qaranka, waxaan dareemayaa in xaaladda wasaaraddu ku shaqeyso oo dhaqaale ahaan aad iyo aad u kooban oo danta dalkeenu tidhi.

Waxaan dareemayaa in aqoonyahannada intaas leeg ee Injineerrad ah in aanay dawladdu siinin dhaqaale ku filan, waxaanan uga mahadnaqayaa injineerrada, aqoonyahannada iyo shaqaalaha wasaaradaha oo dhan gaar ahaan wasaaradda hawlaha guud oo hawlo badan haysa in 100% waxay ku shaqeynayaan ay tahay iskaa wax u qabso,”ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu intaas ku daray; “Qofku guriga yar ee uu dhisanayo mulkiyad ayuu u samaystaa, markaa waxa innagu waajib ah inaynu qarankanna mulkiyad u samayno, waayo aragnimadu ina bartay in la yidhaahdo waxa qaranku waa bilaash oo lama ilaaliyo. Waxa ugu horreeyey oo aanu diwaangelinay waa Gaadiidka dowladda oo illaa imika waxaynu haynaa gaadiidkii qarankani lahaa tiradiisii iyo qacaayad waliba halka ay taallo.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in bulshaddu dowladda ka doonayso laba qoddob oo aan is waafaqeynin, “Dadku laba wax oo aan is waafaqeynin ayey innaga doonayaan, waxay odhanayaan wax noo nidaami oo qurxi, amarka qaadan maayo oo buurtaas anigaa leh oo loo soo dhawaan maayo, kayntaasna anigaa leh oo waan gubayaa, dadku imika Geeska Afrika oo dhan dagaalo ayaa ka dhacay oo dadku ma aaminsana in wax la wada leeyahay oo qof kastaa qoys buu dabada geliyey, dadka waa in la baraa in wax la wada leeyahay,”ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi. Waxa kaloo madaxweynuhu uu hawlwadeennada Wasaaradda Hawlaha Guud u soo jeediyey inay dulqaad u yeeshaan caqabado badan oo ka hor iman doona muddada ay ku gudo jiraan hawsha diwaangelinta hantida qaranka.

Waxa kaloo madaxweynuhu uu sheegay in dowladaha hoose loo sameeyey si maamul daadejin loo helo, hase ahaatee ay waxqabadkooda uu ka badan yahay wixii laga filayey. Waxaanu tilmaamay in dedaalayaan, balse dadku ay sheegaan oo kaliya dhaliilsha dawladaha hoose ee aanay ka hadal wixii ay qabteen.

Leave a Reply