Wax ka Bedel lagu Samaynayo Liisamada Gaadiidka Somaliland

0
293

Hargaysa (Dawan)- Agaasimaha guud ee wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, Cumar Cabdillaahi Aadan (Cumar Sayid), ayaa sheegay in ay dib u habayn ku samayn doonaan liisamada lagu kexeeyo gaadiidka.

Agaasime Cumar Cabdillaahi Aadan oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in samayn doonaan liisan aan la foojari garayn karin, waxaana uu caddeeyay in wasaaarada gaadiidka aanay ka diwaan gashanayn iskuulada lagu barto baabuur wadida.

Cumar Sayid oo arrimaahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ilaa laga soo bilaabo bishii March lama bixiyo liisamadii baabuur waddida. Sababaha aannu u joojinay waxa weeye in aannu isbedal wayn ku samasyno liisamada gaadiidka yaryar iyo gaadiidka waawayn.”

Agaasimaha Cumar waxa uu sheegay in liisamada kaxaynta baabuurta ay ka dhigayaan saddex qaybood oo kala duwan, waxaanu yidhi “Waxa aannu doonaynaa in aannu liisamada ka dhigno saddex qaybood oo gawaadhida waawayn qofka wadaya iyo qofka gaadhi yar wadayaa in aanay isku si loo imtixaamin.

Waxa aannu samaynaynaa liisan aan la foojari karayn Karin. Qofkuna xaq uma laha in uu qaato liisan foojariya, waana in darawalku kala barto calaamadihii baabuur waddida, waxaana jira iskuulo lagu barto baabuur wadida oo aan wasaaradaba ka diwaan gashanayn. Waxa aannu wax ka waydiin doonaa sida ay dadka u imtaxaamayaan”

Leave a Reply