Xildhibaan Cismaan Jiciir ayaa uga Mahad Celiyay Madaxweynaha Somaliland Waxqabadka Uu Ka Hirgaliyay Degaanka Xayir.

0
337

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Cismaan Jiciir ayaa uga mahadaceliyaya madaxweynaha somaliland waxqabada uu ka hirgaliyaya degaanka xayir.

Xildhibaan Cismaan Faarax Warsame Jiciir oo ka mida xildhibanada golaha degaanka Buuhoodle islamarkaana ka soo jeeda degaanada xood xayira iyo Ilaka-cadayse ayaa madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wasiIrka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed uga mahad celiyaya baaqii uu u diraya madaxweynaha Somaliland iyo wasiirka ee uu xildhibaan cismaan jiciir shir jarid u qabtay markii uu soo dhaadakii shirkii beesha reer Raage uga socoday soo Xood .
Baaq xildhibaanka ayaa ahaa in uu si deg dega uga soo jawaabo madaweynuhu baahiyay kala duwan ee ka jira degaankaasi ee uu u balan qaaday wakhtigii uu ku jiray ollolaha kaanbayga isaga iyo wasiirka arrimaha gudaha waxanu madaxweynaha somaliland u soo diraya wafti uu hogaaminayo badhasabka gobolka Togdheer iyo maayirka degmada Burco isagoo tix galinaya hadalkii ka soo yeedhay xildhibaanka degaanka
Waxanu badhasabku balan qaaday isagoo afka madaxweynaha ku hadalay in ay degaanka xayira is dega ay xukuumadu wax uga qaban doonto waxan ka mida meelaha uu tiirada tiirada saarayo dhamaystiri dugasiga boodhanka ee mujaahid cabdilaahi cali suufi baahiyaha dugsiga boodhanka , sida dhamaystirka macalimiinta degsiga ,cuuqdinta ardayda iyo dhismaha dugsiga Xildhibaan Cismaan Jiciir ayaa hanbalyo iyo bogaadin u diray madaxweynaha Somaliland iyo wasirka arimaha gudaha. Waxaana xildhibaanka iyo beesha uu ka soo jeeba ay si buuxda u taageersan yihiin xukuumadda Somaliland iyo wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed.

Leave a Reply