Xukumadda oo Xidhay Ajaanib Sharci Darro Ku Ugaadhsanayey Duurjoogta Dalka

0
310

Berbera (Dawan):- Xukumada Somaliland ayaa xidhay Lix nin oo shan ka mid ahi ay yihiin ajaanib u dhashay dalka Pakistan ,kaddib markii lagu soo eedeeyay ugaadhsi sharci darro ah oo ay kula kaceen duur-joogtada dalka gaar ahaan Deerada

Agaasimaha Waaxda Duurjoogta ee Wasaaradda Horumarinta Deegaanka iyo Reer Miyiga Cabdinaasir Xuseen Siciid ayaa wargeyska Dawan u sheegay in lixda nin ee la xidhay in ay ku kaceen ugaadhsi sharciga ka baxsan. “Dadka aanu xidhnay waxay ahaayeen shan qof oo ajaanib ah iyo hal Soomaaliland u dhashay waxaanan kusoo xidhnay hawlgal ay waaxda gobolka Saaxil ee waasaraddu samaysay , waxaanay ku xidhan yihiin saldhiga dekedda Berbera oo aaga Madaarka laga maamulo” ayuu yidhi

Cabdinaasir Xuseen Siciid.

Waxaanu intaa ku daray in ay ku hayaan ugaadh ay sharci darro ku ugaadhsaneen raqdeedii. “Waxa ay ugaadhsanayeen ugaadha kala duwan ee dalku leeyahay gaar ahaan deerada , waxaanan ku qabanay raqda laba Deero oo ay dileen waanan soo qaadnay raqdoodii waxaanan ku geynay saldhiga iyo Maxkamadda,dhulka laga dhisayo saldhiga Millatariga waxa lagu xidhay shabag dheer oo lagu xayn-daabay markaa xayndaabkan ayey deeradu ku dhashay meesha ay ku dhashana kama tagto markaa shabaga ayuu ka dhacay ugaadhsigu “

Agaasimaha Waaxda Duurjoogta ee Wasaaradda Horumarinta Deegaanka iyo Reer Miyiga,ayaa ka hadlay mudada ay xidhan yihiin eedaysaneyaashu iyo “ waxa ay xidhan yihiin muddo toban cisho ah oo ay ku jiiraan saldhiga dekedda ku yaal , waxa aanu mar

walba ku shaqaynaa sharciga waxaanan horgeynay maxkamadda , markaa waxa ay tidhi saddex qof dembi ayaan ku helnay oo xukun ayaa ku dhacay waxaanay ku xukuntay qof walba 4000 kun oo dolar ,markaa xukunka waxaanu ka qaadanay rafcaan ,maadama aanu rafcaan ka qaadanay lixdii qofba hadda way xidhan yihiin waxanan sugaynayaa in go’aanka Maxkamadda rafcaanka ee gobolka , waxa iyana jira laba baabuur oo ugaadhsiga loo adeegsaday waxaanan rejaynaynaa in qaranku la wareego “ ayuu yidhi

Waxaanu ku ammaanay shaqada ay qaranka u hayaan siday uga soo bexeen isuduwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Saaxil iyo dhammaan shaqaalihiisu.

Muddooyinkii u dambeeyay Xukuumadda Somaliland ayaa xoojisay ka hor tagga dhoofinta iyo ugaadhsiga sharci darada ah ee lagu hayo duur joogta dalka.

Leave a Reply