Hargaysa (Dawan):-Xukumadda Somaliland ayaa war-murtiyeed ka soo saartay shirweyn muddo dhawr maalimood ah ka socday magaalada Hargeysa, kaasi oo lagaga hadlaayey sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinayarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshahada.
Wasiirka wasaaradda shaqo geliinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland marwo Hinda Jaamac Xirsi (Gaani), ayaa gunaanadkii shirweynahaasi ka hadashay, waxaanay si qoto dheer u sharraxday muhiimada uu lahaa shirweynahan shaqo abuurka dhallinyaradda Somaliland ee lagu soo gabo gabeeyay caasimadda Hargaysa.
Marwo Hinta Jaamac Xirsi, waxa ay ku nuuxnuuxsatay sida ay xukuumadda Somaliland uu hoggaamiyo madaxweynaha Mudane Muuse Biixi Cabdi ay uga go’an tahay sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa dhallinyaradda Somaliland, iyada oo hoosta ka xariiqday in madaxweynuhu ku dhiiraday samaynta sanduuq dhaqaale oo u gaar ah shaqo abuurka dhallinyaradda Somaliland.
Wasiirka wasaaradda shaqo geliinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland marwo Hinda Jaamac Xirsi (Gaani), waxa ay shirweynahaasi ka soo saartay war murtiyeed li xiyo todoban qodob ka kooban oo u dhignaa sidan:-
“1. In maanta oo ay taariikhdu tahay 03rd September, 2018 aanay shaqaale ajaaniib ahi qaban karin shaqooyin ay qaban karaan mu’adimiinta, isla markaana wasaaradda shaqo galintu dhamaystirtaa diiwaan-galinta shaqaalaha ajaaniibta ee dalka ku sugan.
- Kor u qaadista tayada aqoonta iyo xirfadaha mu’adimiinta iyo barida dhallinta xirfadaha farsamada gacanta suuqa shaqadu ubaahan yahay iyo dhiiri-galinta hal-abuurka ganacsiga dhalinyarada.
- Waa in la sameeyo, lana dhaqangeliyo sharciyo taabbo-gal ah oo taageeraya in dhallinyarada loo abuuro shaqooyin wax ku oola oo mustaqbal leh.
- Waa la kobciyo isku xidhka iyo wada shaqaynta hay’daha iyo laamaha dawlada ee la xidhiidha kobcinta shaqo abuurka lana dardar galiyo guddi farsamo oo hirgeliya istaraatiijiyadda kobcinta shaqooyinka isla markaana is waafajiya dedaalada ku aaddan shaqooyinka qaybaheeda kala duwan.
- Waa in la xoojiyo isku xidhka farsamada gacanta iyo tacliinta sare iyadoo la kaashanayo ganacsiyada gaarka loo leeyahay si tababarada farsamada gacantu u noqdaan kuwo la xidhiidha shaqooyinka looga baahan yahay suuqyada shaqada, loona daboolo baahiyaha shaqo ee suuqa mustaqbalka dhaw iyo ka dheer ba.
- Waa in la dhaqan-geliyo ballan-qaadyadii ay saxeexeen madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, wakiillada deeqbixiyeyaasha, hay’addaha caalamiga ah ee ka shaqeeya adeegyada horumarinta iyo shaqo abuurka dhallinyarada, dalada dhallinyarada ee SONYO, rugta ganacsiga iyo SONSAF.
- Waa in la sameeyo sanduuq lagu horumarinayo shaqo abuurka dhallinyarada laguna dhiiri-galiyo hal-abuurka ganacsiga dhalinyarada, kaasi oo shirkadaha gaarka loo leeyahay ku shubaan tabarucaad sannadkii ,si loo abuuro fursado shaqo oo wax ku oola.
- Waa in la sii xoojiiyaa golaha qaran ee shaqo-abuurka si ay u hirgeliyaan istaraatiijiyadaha lagu kobcinayo shaqooyinka dalka.
- Waa in kor loo qaadaa maalgashiga khayraadka dihin ee dalka sida beeraha, kalluumaysiga, macdanta, xoolaha, tamarta iyo ilaha kale ee wax-soo saarkoodu sareeyo si loo abuuro fursado shaqo.
- In la dhiirigeliyo ka faa’idaysiga kheyraadka badda isla markaana dhallinyarada lagu tababaro xirfadaha la xidhiidha ka faa’idaysiga kheyraadka badda.
- Waa in la sameeyo xogo iyo tirakoobo sugan oo la xidhiidha suuqa shaqada, shaqaalaha iyo shaqo la’aanta si loogu jaangooyo dadaalada shaqo abuurka, waxbarashada iyo maalgashiga, loona odoroso baahiyaha dhaw iyo kuwa dheer ee suuqa shaqada dalka.
- In la horumariyo nolosha deegaanada miyiga dhallinyaradana lagu tababaro xirfadaha la xidhiidha horumarinta deegaanada miyiga oo ay ka mid yihiin badbaadinta bey’adda, xanaanaynta iyo dhaqitaanka xoolo tayo leh iyadoo la isticmaalayo hababka casriga ah.
- Hirgalinta barnaamijka shaqo qaran kaasi oo dhalinyarada fursad u siinaya carbis shaqo, shaqooyin ku meel gaadha iyo barashada dalkiisa kana qayb-qaadanaya wax soo saarka dalka.
- Dhiiri-galinta wax soo saarka dalka iyadoo la kobcinayo warshadaynta si loo helo fursado shaqo oo badan.
- Maalgalinta dhamaystirka, iyo dhaqan-galinta shuruucda iyo siyaasadaha fududaynaya shaqo abuurka iyo ilaalinta xuquuqda shaqaale. Sida Siyaasada shaqo carbiska , Siyaasada shaqo abuurka, istaraatajiyada shaqo , dhaqan-galinta xeerka shaqaalaha rayidka ah iyo Siyaasada/xeerka Haw-gabka .
- Ugu dambayntii waa in la iska kaashadaa hirgalinta qorshayaasha shaqo abuurka ee heer qaran ee daneeyayaasha kala duwan ee shaqo abuurka sida laamaha dawladda, ururada bulshada rayidka, deeq-bixiyayaasha, hay’addaha caalamiga ah, ha’yaddaha sharci-dajinta, ganacsatada iyo bangiyada bixiya maalgalinta ganacsi yagleelka.