Mudanayaal.
Tan iyo markii Golaha uu hogaankiisa qabtay Shirgudoonka Cusub bishii August 2017 wuxuu Goluhu yeeshay saddex kal-fadhi oo kala ahaa kal-fadhiyadii 35aad, 36aad iyo 37aad oo maanta xidhmaya, iyadoo guud ahaan kalfadhiyadaasi ka koobnaayeen 89 fadhi.
Wakhtigaas Waxaa Golaha horyalaay 19 Mashruuc sharci, wuxuuna Goluhu mudadaas sannadka ah ansixiyey 13 Xeer.
Xeerarkaasi waxaa dhaqangalay 9 Xeer, 3 Xeer waxay ku maqanyihiin Guurtida, iyadoo hal xeerna uu Madaxweynaha u gudbay lagana sugayo inuu saxeexo.
Magacyada Xeerarka Goluhu Ansixiyay August 2017-2018 waa sida shaxdan hoose ku tilmaaman:
No
Xeerarka
Tar. G. Ansixiyay
Wax ka bedelka Xeerka Biyaha X.Lr. 49/2010
19/11/2017
Xeerka Xabsiyada Xeer Lr. 65/2014
26/12/2016
Xeerka Ciidanka Booliiska Xeer Lr. 63/2013
27/12/2016
Xeerka Hay’adda Duulista Hawada Xeer Lr. 70/2017
28/12/2016
Xeerka Tamarta Korontada Xeer Lr. 81/2018
09/06/2018
Xeerka Waxbarashada Xeer Lr. 77/2018.
23/07/2018
Xeerka Shirkadaha Xeer Lr. 80/2018
24/07/2018
Xeerka Maareynta Deegaanka Xeer Lr. 79/2018.
28/07/2018
Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga Xeer Lr. 78/2018.
29/07/2018
Xeerka Maaraynta Qashinka iyo Fayadhowrka Magaalooyinka Xeer Lr. 83/2018.
11/08/2018
Xeerka Kaluumaysiga Xeer Lr. 84/2018.
27/08/2018
Xeerka Ciidanka Illaalada Xeebaha Xeer Lr. 85/2018.
28/08/2018
Xeerka Gudidda Qandaraasyada Qaranka Xeer Lr. 82/2018.
02/09/2018
Sanadkii 2005kii ilaa Bishii August 2017 oo ah 12 sano Goluhu wuxuu ansixiyay 55 Xeer. halka sanadkii u dambeeyay ee Shirgudoonka cusub hogaaminayay uu Goluhu ka ansixiyay 13 Xeer oo 9 ka mid ahi dhaqangaleen.
Dhanka kale, ka sokow xeerarka, Golaha Wakiiladu waxaa mudadaasi sannadka ah ka shaqeeyey ka meelmarinta Go’aamo Gole, ansixinta masuuliyiin qaran iyo go’aan ka gaadhista soo jidino. Dhammaan hawlahani waxay ahaayeen shaqo qaran oo ka mid ah waajibaadka golaha, lehna culayska ay Xeerarka aan kor ku soo sheegnay leeyihiin.
Soojeedimaha Golaha la horkeenay:-
NO
SOO JEEDINTA
TARIIKHDA LA KEENAY
1
Soojeedinta Wax ka-badalka & kaabista Xeerka Gobolada iyo Degmooyinka
20/03/2018
2
Soojeedinta Haamaha Shidaalka
05/05/2018
3
Soojeedinta Wax ka-badalka & kaabista Xeerka Kaluumaysiga
07/05/2018
Go’aamadii kale ee Goluhu gaadhay.
Go’aamadii 41 Masuul oo Goluhu Ansixiyay:-
32 Wasiir iyo Wasiir ku-xigeen.
7 Xubnood oo Komishanka Xuquuqal Insanka ah, iyo
2 Xubnood oo Gudidda Cadaalada ah.
Go’aankii Ansixinta Odoroska Miisaaniyada Qaranka 2018ka:-
01/04/2018 ayaa Golaha la horkeenay Odoroska Miisaaniyada Qaranka 2018ka, waxaana Warbixin iyo Faah-faahin ka siiyay Golaha Miisaaniyadaas Wasiirka Horumarinta Maaliyada Md. Yuusuf Maxamed Cabdi isla maalintaas, intaas ka dib sida hab-raaca sharci dhigayo waxaa lagu wareejiyay Gudidda Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha si ay waajibaadkeeda uga soo gudato Golaha Warbixin ay ugu soo celiso, waxayna Gudiddu Golaha Warbixinteedii siisay 07/04/2018, Ka dib markii Wasiirka Maaliyada Mudanayaashu su’aalo ka waydiiyeen ayuu Goluhu ansixiyay 08/04/2018 Odoroska Miisaaniyada sanadka 2018ka.
Go’aankii Ansixinta Xisaab Xidhka Miisaaniyadii 2016.
Waxa kale oo Goluhu meel-mariyaya Xisaab xidhka 2016ka oo Golaha horyaalay isla markaana Gudidda Illaalinta markay ka soo gudatay Waajibaadkeedii ay Golaha u soo gudbisay, Goluhu wuxuu Ansixiyay 04/08/2018.
Go’aankii lagu cambaareeyay Faraglinta Dawlada Somaliya ee Heshiiska DP World iyo Arrimaha Somaliland.
Goluhu wuxuu cambaareeyya go’aankii Baarlamanka federaalka Somalia ee uu ku sheeganayay Heshiiskii Dekada Berbera iyo Arrimaha Somaliland.
Go’aankii lagu Ansixiyay Heshiiska Saami-qaybisga DP World, Itoobiyaha iyo Somaliland ee Dekada Berbera.
Go’aankan oo Golaha Wakiiladu soo saaray Wuxuu Golaha Wakiiladu ku taageeray kuna Ansixiyay heshiiskii saami-qaybsiga maalgeshiga Dekada Berbera oo dhexmaray Somaliland, Shirkada DP World iyo Dalka Itoobiya, sidoo kale 12/03/2018 fadhi uu yeeshay ayuu cod aqlabiyad ah oo dhan 54 (afar iyo konton mudane) ku ansixiyay.
Gudiyada Golaha:-
Muddadaas snaadka ah Gudiyadu Waxay guud ahaan kulamo kala duwan yeesheen 41 Fadhi iyagoo kulamadaas ku gaadhay go’aamo ay ka mid yihiin Xeerarkaas Goluhu ansixiyay oo soo gudbiyeen iyo Masuul ay Golaha uga soo talo-bixiyeen Ansixintooda.
Sidoo kale Gudiyadu waxay galeen safaro kala duwan kuwaas oo kalaa ahaa:-
Gudidda Dhaqaalaha waxay Bishii March kormeer ku tagtay Illaha Dakhliga ugu waayayn ee Gobolada Dalka.
Gudidda Illaalinta iyo Dabagalku waxay Bishii June safari shaqo oo kala duwan ku tagtay Gobolada Saaxil, Tog-dheer, Sool iyo Awdal.
Gudidda Deegaanka iyo Khayraadka Dabiciiga waxay Safar Shaqo ku tagtay Saaxil iyo Tog-dheer.
19/03/2018 Gudidda Illaalinta iyo Dabaglku safar shaqo ku tagtay Dalka Tanzania.
Gudidda Dhaqaaluhu waxay Bishii July 2018 Safar ku tageen Dalka Kenya
16 May 2018 Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, qaybna ay ka yihiin xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland, Wasiiro iyo Taliyayaal Ciidan ayaa gaadhay Magaalada Tukaraq ee Jiida hore, iyadoo Gudoomiyaha iyo Waftigiisu ay si balaadhan Ciidanka Qaranka ula qaybasay guushii ay ka soo hooyeen Dagaal Maalintii 15 May dhexmaray iyaga Ciidanka Maamulka Puntland.
Gabagabadii
Waxaan mahadnaq balaadhan usoo jeedinayaa Gudoomiyaasha Guddiyada iyo xildhibaanada Golaha Wakiilada oo xil balaadhan iska saaray gutayna waajibaadkoodi loo igmaday waxaan kaloo u mahadnaqaya shaqaalaha Golaha Wakiilada.
Halkan Ka Daawo





















