Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda oo Sheegay In Aan Khilaaf Ka Dhex Jirin Labada Gole

0
612

Hargeysa (Dawan)  Gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay khilaaf la sheegay inuu labada gole ka dhaxeeyo

Baashe Maxamed Faarax gudoomiyaha golaha wakiiladu isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Gollaha guurtidda iyo wakiiladda wax khilaafa oo ka dhaxeeyaa ma jiraan, hadii wax ka dhaxeeyaana shirgudoonka ayaa ka wada hadla, xildhibaankii wax soo jeediyayna waa shaqsi isagana ayaanay ku xidhan tahay, markaa labada gole ee aad isku xod xodeysaan wax allaale wax ka dhaxeeyaa ma jiraan, way wada shaqeeyaan waanay wada shaqeynayaan waana khasab hay’addaha dastuuriga ahi inay wada shaqeeyaan, waa laba gole oo wada shaqeeya waxaanu warbaahinta uga digaynaa makarafoonka ay dadka la hor ordayaan inay ka joojiyaan, goluhu waa gole shacabku soo doortay cidii cabasho ka qabtana diyaar ayuu u yahay”

Halkan Ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here