Madax Dhaqameed iyo Culimo Aw Diinka Baaq Nabadeed u Diray Beelaha Shaqaaqadu ku Dhexmartay Foonfurta Gobolka Sool

0
256

Laascaanood (Dawan)- Xubno ka mid ah madax dhaqameedka iyo culimo aw diinka magaalada Laascaanood, ayaa baaq nabadeed u direy labada beelood ee walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex maray koonfurta gobolka Sool, waxaanay u soo jeediyeen in la joojiyo dhiiga dadka muslinka ah ee macno darrada ku daadanaya.

Waxgaradka iyo culimo aw diinkan baaqa nabadeed ka soo saaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa intooda badani ay ka mid ahaayeen ergadii nabadaynta eek al hore sida weyn uga qayb qaatay dhexdhexaadintii hore loogu xalliyay shaqaaqada iyo collaadii labadan beelood dhex martay.

Waxgaradkan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood ayaa ugu baaqay labada beelood xabad joojin, iyaga oo sheegay inay markii horena door ka qaateen dhex dhexaadinta iyo demintii colaadi hore u dhexmartay, iminkana ay u ambabaxayaan nabadeynta beelahan.

Garaad Cabdillaahi Guuleed oo ka mid ah madaxdhaqameedka reer Somaliland, ayaa ugu horrayn shirkaasi jaraa’id ka hadlay, waxaanu yidhi”Anagga oo isugu jirna Ismo, Cuqaal, Culimo aw diin iyo waxgarad kale, waxaanu halkan baaq uga soo jeedinaynaa beelaha walaalaha ah ee koonfurta magaalada Laascaanood dagaalku ku dhexmaray, waxaanuna leenahay Illaahay dhibka intaa ha inagaga joojiyo, intii dhibkaasi gaadhay ee ku dhimateyna waxaanu leenahay Alle ha u naxariisto, anaga oo halkan tacsi uga dirayna intii dhimatay, inta dhaawacu ka soo gaadhayna Illaahay ha uga baryayna caafimaad.”

Sheekh Cabdinaasir Farey oo isaguna ka mid ah culimo aw diinka gobolka Sool, ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediuyay, waxaanu yidhi ”Ugu horreyn waxaanu Illaahay weydiisanaynaa shaqaaqada beelahaas in uu inaga qaboojiyo, shaqaaqadaas oo dib u soo laabatay horena ahayd mid loo dhammeeyey, waxaanu rajaynaynaa inuu Illaahay intaa inagaga qabto fidmadeeda.

Mar labaad waxaan ka tacsiyeynayaa intii ku dhimatey ehelkoodii oo Illaahay u weydiinayo inuu ka samir siiyo, inta dhaawaca ahna EEBBE inuu shaafiyo. Intaa haddaan ka gudbo walaalayaal dhib waad soo aragteen haddaad tihiin labada beelood, colaad waad soo aragteen dhib iyo dheef waxay leedahay, waxaanuna leenahay labada dhinacba dadka halloo naxo oo aakhiro halla xasuusto, oo dhallinyarada qamaameysa ee labada dhinacoow Illaahay u noqda, waayeelka iyo waxgaradkoow nabada isu taaga, colaad wiil kuma dhasho ee wiil baa ku dhintee, walaalayaal in caqligu shaqeeyo oo laga fekero if iyo aakhiro seegga ayaanu idin faraynaa”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply