Shabeel Dhintay Markii laga Badbaadiyey Kooxo Tahriibinaya

0
278

Hargeysa (Dawan)- Mid ka mid ah Herimcad laga badbaadiyay kooxaha sida sharci darada ah u ugaadhsada ayaa dhintay markii laga badbaadiyey kooxdii wadatey, sidaana waxa lagu sheegay war ka soo baxay hay’adaha ka hortaga tahriibinta duur-joogta ee Somaliland.

Herim-cadka oo ka mid ah nooca xayawaanada ee dunida ka sii yaraanaya ayaa lagu hayaa ugaadhsi, waxaana loo iibgeeyaa Barriga dhexe, kana waxa la filayaa in loo waday Bariga Dhexe.

Inkasta oo ururada badbaadinta iyo ka hortaga duur-joogta Somaliland ay guulo gaadheen xukunkii ugu horreeyayna lagu guulaystay in lagu qaado laba ugaadhsade oo xadhig dheer lagu xukumay, weli dagaalka lagu hayo shabeellada iyo duur-joogta kaleba wuu socdaa.

Dr Laurie Marker, oo ah aasaasaha Sanduuqa Dhaqanka ee Cheetah (CCF), ayaa hadda ku baaqay in la joojiyo ugaadhsiga Geeska Afrika iyada oo noocyada kala duwan ay ku dhow yihiin in ay dabar go’aan.

Goobaha duurjoogta ah ee ku yaalla Itoobiya, Soomaaliya iyo waqooyiga Kenya sidoo kale dadaal loogu jiraa in wax laga qabto ugaadhsia, xayawaanka halis ugu jira in ay si deg deg ah u dhintaan. Sida ay sheegtay Marker.

Meel badan oo Afrika, ayaa shabeelka iyo Herim-cadkuba halis ku jiraan. Waxa kale oo jira qaashada duurjoogta oo ganacsiga ahaan si sharci darrada ah ee Bariga Dhexe, loogu iib geynayo. Herim-cadka yar ee dhintay waxa laga soo xaday hooyadeed, waxaana soo qabtay gobol fog, waxaana ka qayb qaatay dadkii tuullada. Dhimashadeeda waxa keenay sida loo soo qariyey .

Dr Laurie Marker waxay sidoo kale gacanta ku haysaa lix Herim-cad oo la badbaadiyey bishii August ee tagtay kuwaas oo lagu qabtay meel ku dhow dekeda Berbera,.

Wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee Somaliland Dr Shukri Xaji Baandare oo ay wada shaqayn leeyihiin Sanduuqa Cheetah Foundation ayaa haatan ku maqan dalka Namibia. Cheetah Foundation ayaa heshiis wada shaqayn la saxeexatay wasaarada deegaanka ee Somaliland sanadkii 2011.

Tan intii ay wada shaqaynta lahaayeen Cheetah Foundation iyo wasaaradu waxa la badbaadiyey 49 isugu jira herim-cad iyo shabeel, waxaana la xukumay dad lagu qabtay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply