Madaxweyne ku Xigeenka oo Sharraxay Guulaha Siyaasadeed ee uu kala soo Noqday Sucuudiga

0
307

Hargeysa (Dawan):- Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti balladhan oo uu hogaaminaayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal cibaado iyo shaqo oo ay ku joogeen dalka Boqortooyada Sucuudiga markii ay soo dhammaysteen.

Weftiga uu hogaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi,wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta Maxamed Muuse Abees,siyaasi maxamed Nuur Carraale (Duur) oo dhammaantood soo gutay waajibaadkii Xajka ee sannadkan 1439-ka. Kana mid ahaa xujayda sanadka ka tegay Somaliland ee soo gudanayay tiirka shanaad ee arkaanta Islaamka ee Xajka, ayaa markii ay habeen hore kasoo degeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Cigaal,waxaa halkaa ku qaabilay oo ku so dhaweeyay Guddoomiye kuxigeenka koobaad ee golaha wakiiladda Axmedyaashiin Sheekh Cali Ayaanle,xubno ka mid ah golaha wasiirada iyo boqolaal ka mid ah dadweynaha caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Weftiga uu hoggaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo dawladda boqortooyada Sucuudigu ay soo siisay diyaarad khaas ah oo ka mid ah diyaaradaha boqortooyada,ayaa markii uu madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee Hargeysa ay ka soo degeen waxaa socdaalkooda ka war bixiyay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaaahi Ismaaciil(Saylici) oosheegay in ugu horrayn ay dalka Sucuudiga u tageen gudashada waajibaadka ALLE KA ka dibna ay guda galeen waajibaadka qaran isla markaana ay kulamo badan la yeesheen madax ka mid ah kuwa dawladda dalka Sucuudiga iyo ganacsatada waawayn ee dalkaas.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray mudane Saylici in ballamo hore oo dalalka Somaliland iyo Sucuudigu ay wada lahaayeen in sii daba galay iyo qoraalohore oo uu si rasmi ah ugu gudbiyay boqorka Dalkaas Boqor Salmaan Binu Cabdulcasiis.Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.

Mudane Saylici oo arrimahaa ka hadkayaana waxaa uu yidhi “Waxaanu u mahad celinayaa boqorka sucuudiga isaga iyo shacabkiisaba, Baasabooradayaada waxaa naloogu qoray dhamaantayo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Soamliland, waxa naloo qaabilay si wanaagsan, marti qaad ayuu sameeyay boqorku anaguna dadkii ayaanu ka mid ahayn, waxa kale oo taa sii dheerayd in uu anniga boqorku igu daray 11-kii qof ee ugu sarreeyay kulankaasi, waxa kale oo aan la iloobi karin waji fur-naanta nagula soo dhaweeyay, markii xajkii noo dhamaaday waxaanu guda galnay hawlaha qarankeena waxaanu la kulanay masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan xukuumada, ganacsato, rugta ganacsiga jidda oo muddo dheer jirtay waxaanu dhamaantood kala kulanay inay yihiin dad ina danaynaya oo jecel inuu ina dhex maro xidhiidh weyni waxa aan sii qaaday dhambaalo madaxweynaha Somaliland hore ugu qoray dawladda sucuudiga, dhamaan wixii aanu codsanayna waji wanaagsan ayay ku aqbaleen hadday furitaanka xoolaha tahay iyo hadday baasaaboorkeena inay aqbalaan tahayba, waxay noo sheegeen inay ganacsatadooda ku boorinayaan inay maal-gashadaan dalka Somaliland dhamaan intii ka qayb gashay hawshayadaasna aad baan ugu mahad celinayaa” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland

Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan oo sina ka hadlay socdaalkoodii dalka boqortooyada Sucuudiga iyo gudashadii waajibaadka Xajka ka dib waxyaabihii u soo qabsoomay,ayaa yidhi “Boqortooyada Sucuudiga oo siweyn oo waafiya oo qaranimo leh oo qayo leh nagu qaabishay oo uu ugu horeeyo boqor Salmaan Bin Cabdilcasiis, iyo wiilkiisa,mawqifka ay naga qaateen iyo macaamilka ay nala macaamileen, iyo wanaagga iyo walaaltinimadda ay nagula dhaqmeen waanu uga mahadnaqeynaa fariinta ay masuuliyiinta boqortooyadu inna fareen waxaa weeyaan dad mida oo dantooda u mideysan ayaa cidkalena wax la qabsan kara, inaynu midnimadeena iyo nabadeena aynu halkan ku soo gaadhney aynu ilaashano, oo aynu wax la qabsano walaalaheenna inoo diyaarka ah oo wada jir iyo midnimo wax kula qabsano, 27-sanadood ayay Somaliland ku samreysay inay sidan oo kale dawladnimo u noqoto beesha caalamkana aynu la macaamisho oo ay gaadho xuquuqdii ay xaqa u laheyd samirkeeniina maanta waxaa muuqata in albaabadii inoo furmeen”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta mudane Maxamed Muuse Abees,ayaa ugu dambayn sheegay in socdaalkaasi Somaliland u soo hooyay guul qarannimada sharafteedana uu kor u qaaday “Waxaanu ka qaybgalay xajkii boqorku inagu martiqaaday sharaf iyo qiimo iyo amaan ayaanu u diraynaa boqorkaa, maanta waa jawi hor leh oo qiimi badan waxaanu halkan kaga warami doonana maaha dhaqankeeni boqolaal sano ka hor aynu laheyn ayaa nalagu soo dhaweeyay hab dawladdeed ayaa nalagu qaabilay”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply