Siyaasi Duur oo Xukuumadda ku Ammaanay Xidhiidhka Iskaashi ee Dalka Sucuudiga

0
259

Hargeysa (Dawan):- Siyaasi Maxamed Nuur Craraale Duur oo ka mid ahaa xujaydii sannadkan soo gudatay waajibaadka Xajka, isla markaana ka mid ahaa weftiga habeen hore dalka ku soo laabtay ee uu hoggaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in xukuumadda uu ku garab taagan yahay tallaabooyinka wax ku oolka ah ee ay ka soo kordhisay arrimaha dibedda gaar ahaan weftiga mudane Saylici ee xidhiidhka wadashaqayneed la soo galay dawladda boqortooyada Sucuudiga.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in loo baahan yahay in waxyaabaha qaar marka ay taagan yihiin in loo midoobo oo dhan looga soo wada jeesto gaar ahaan siyaasadda arrimaha dibedda.

Mudane Duur oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Safarkayagu Xaj ayuu ahaa oo boqorku ku macsuumo dawladaha Islaamka oo uu gaar ugu macsuumo dawladdaha Islaamka ah, waxaa kale oo aanu mahadnaqaynaa boqorka dawladda Sucuudiga iyo maciisa waxaanu leenahay Ilaahey kheyr heydin siiyo, sidoo kale waxaanu u mahad celineynaa madaxweyne ku xigeenkii fursadan dadkiisa uga faa’ideeyay wuxuu soo dhagax dhigay xadhig adag iyo wax weyn waxaa loo midoobayaa siyaasadda arrimaha dibadda waana wax lagu taageero madaxeweynaha xukuumaduuna waa ay mudneyd, wadanka Sucuudigu inoo la mid maaha caalamka intiisa kale, haday ganacsi tahay iyo haday dhaqan tahay haday xidhiidh soo jireena tahayna wadamada kale wuu inooga duwan yahay, talaabadana waa mid dalka iyo dadkaba anfaceysa, xukuumadda waxaan leeyahay maaha waxaa hada qabsoomay ee waa waxaa

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply