Gudoomiyaha Tagaasida Hargaysa oo Bogaadiyay Go’aankii soo Celinta Haamaha Shidaalka Berbera

0
283

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha tagaasida Hargaysa Jaamac Cabdillaahi Muuse (Beeldaaje) ayaa si wayn u soo dhaweeyay go’aankii ay xukuumaddu gacanteeda dib ugu soo celisay maamulka kayhdka haamaha shidaalka ee Berbera, sidoo kalena waxa uu farriin u diray gaadiidlayda dalka.

Guddoomiyaha tagaasida Hargaysa Jaamac Cabdillaahi Muuse (Beeldaaje), isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu si wayn u soo dhawanaynaa go’aankii ay xukuumaddu dib ugu soo celisay maamulka kaydka haamaha shiidaalka Berbera oo ay dhawaan xukuumada madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ula soo wareegayso, maamulida haamaha.”

Jamaal waxa uu sheegay in arrintaasi ay farxad weyn iyo yididiilo ku abuurtay gaadiidlayda dalka, gaar ahaan ururka tagaasida magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi “Runtii waa arrin farxad iyo yididiilo noo ah, haddaanu nahay gaadiidlayda tagaasida. Anaga oo ah kuwo si gaara ugu nugul, tayo xumada shiidaalka dalka ay keenaan ganacsatada iyo qiime korodhkiisaba, waayo shaqadayada iyo gaadiidkayagaba runtii way na taabatay; waxaanuna rajaynaynaa inaanu ka bogsan doono arimahaas oo dhan; oo shilinkayaguna uu ku dhaco khasnada dawlada si dalka dib loogu celiyo.

Tallaabo kasta oo danta shacabka ahna waanu ku garab taaganahay, xukuumada. Gaadiidleyda dalkana waxaan leeyahay aragnay dad wax inoo maamulay cidhibtoodiiye, aynu aad u soo dhaweyno horumarka ay dawladeenu hormoodka inooga tahay ee uu gadhwadeenka inooga yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Tani waa jawaabta, cabashadeenii iyo qaylo dhaanteenii aynu dirsanay oo xukuumadeenu dhego nugayl iyo tudhaale inoogu muujisay. Ilaahay dawladeena ha inoo barakeeyo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply