Somaliland: Wasiirka Beeraha oo Baaq u Jeediyey Dadweynaha Sool iyo Sanaag

0
356

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa ugu baaqay shacabka reer Somaliland in ay ka faa’iidaystaan roobab saadaasha hawaddu sheegtay in ay ka da’i doonaan gobollada bariga dalka bilaha October iyo November ee sannadkan.

Axmed Muumin Seed ayaa waxa uu sheegay in bisha tobnaad iyo bisha kow iyo tobnaad ay roobabab baaxad weyni ka curan doonaan gobalada Sool iyo Sanaag, waxaana uu u soo jeediyay dadka ku dhaqan deegaanada xeebta ee gobalka Sanaag in ay ka feejignadaan roobabkaas iyo dabaylaha ee deegaanadaas ku soo wajahan.

Wasiirka horumarinta beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo shalay la kulmay guddi hoosaadka joogtada ah ee golaha wakiillada, ayaa sheegay in uu guddida tafaasiil ka siiyey mashaariic dhinaca wax soo saarka ah oo wasaaradda beeruhu ka wado gobollada dalka.

Wasiir Seed waxa uu tilmaamay in guddida joogtadda ee golaha wakiilladu ay booqan doonaan mashruuca beeraha ee magaalada Wajaale ee gobolka Gabiley, si ugu kuurgalaan taabo-galnimada mashruucaas wax soosaar.

Sidoo kale wasiirka beeruhu wuxuu xaqiijiyey in roob badan lagu wado inuu ka da’o degaannada gobollada Sool iyo Sanaag, waxaanu ummadda ku guubaabiyey in roobabkaas laga faa’iidaysto.

Geesta kalena, Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo ka tirsan guddida joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa wasiirka horumarinta beeraha uga mahadceliyey warbixinta uu ka siiyey waxqabadka wasaaradda ee la xidhiidha dhinaca wax soo saarka, waxaanu xusay inay guddidu wasiirka u gudbiyeen wixii talooyin ah ee ku saabsan horumarinta tacabka beeraha.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply