Dugsiyada Noradin oo Dahab iyo Baabuur u Hadyadeeyay Ardaydii Kaalmaha sare Galay

0
846

Hargeysa (Dawan)- Munaasibad ballaadhan oo meeqaamkeedu sarreeyo ayaa lagu qabtay xarunta dugsiga Noradiin ee wiilasha, taasi oo u jeedkeedu ahaa abaalmarinta ardaydii dhawaan kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare iyo hoose/dhexe ee xafiiska Imtixaanaadka Qaranku uu ku dhawaaqay oo dugsiyada Noradiin tobanka arday ee ugu sarreeyey 8 (Sideed) arday oo dugsiyada sare ah ku lahaayeen iyo 2 (laba) arday oo tobanka ugu sarreeyey dugsiyada dhexe ah.

Xafladani oo ay ka soo qayb galeen wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Boos Mire Maxamed, Gudoomiyaha Jaamacada FFU (Franz Fanon University) Xuseen Cabdillaahi Bulxan, Suldaan Axmed Daahir, Ugaas Axmed Cali Mahdi, maamulka dugsiyada Noradin, macalimiin, kumannaan ka mid ah ardayda dugsiyada Noradin, waalidiinta ardayda kaalmaha hore gashay, aqoonyahan, martisharaf kal duwan iyo masuuliyiin aad u tiro badan.

Nuxurka abaalmarinta ugu weyn ee goobta lagu bixinayey oo ahayd gaadhi nooca Verrosa ah kaasi oo lagu abaal mariyey ardaygii kaalinta (1 aad) koowaad ka galay guud ahaan imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee Somaliland kaasi oo ka tirsanaa Dugsiyada Noradin Cabdibaasid Cabdirisaaq Cawil, geesta kale waxa iyana ku lamaanayd abaal marino kala duwan oo la gudoon siiyey ardaydaasi oo iskugu jiray Computer Laptops (Koombuyuutar, Dahab) Billad sharfyo).

Ugu horrayn waxa halkaasi ka hadlay Ismaaciil Maxamud Cakuush maamulaha dugsiyada sare ee Noradin kaasi oo ku dheeraaday dadaalka balaadhan ee ay ugu jiraan sidii ay u soo saari lahayeen arday wanaagsan oo umada anfaca waxaanu sheegay in mudo ku dhaw 11(Kow iyo toban) sanno ay dugsiyada Noradin guulo balaadhan ka soo hooyeen oo ay mar kasta ka mid ahayeen ardayda kaalmaha hore ka gasha guud ahaan Imtixaanka Shahaadiga ah; waxaanu xusay in sanadkan u danbeeyey uu ahaa mid xusuus gaar ah leh oo kaalmo aad u badan ay galeen ardayda Noradin.

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Pro. Cumar Faarax Cabdilaahi kormeeraha guud ee dugsiyada Noradin waxaanu sheegay in furaha guusha uu yahay dadaal iyo in Alle la tallo saarto waxaanu sheegay in Dugsiyada Noradin ay dadaal ugu jiraan sidii ay u soo saari lahyeen arday ka dhisan dhan kasta si ay ula tartamaan dhigooda, waxaanu sheegay in ay ardayda Noradin kaliya imtixaanka shahadiga ah aanay guulo ka soo hoyn ee ay muujiyeen dadaalo dheeri ah oo ay kaalmaha ugu badan ku hananayaan jaamacadaha dalka iyo kuwa dibadaba.

Dhanka kale waxa halkaasi ka hadlay Sheekh Maxamed Cali Gadhle oo sheegay in Dugsiyada Noradin ay yihiin kuwo lagu aammini karo ubadaka waxaanu xusay aqoonta iyo sida ay ardayda u dhisaan waxaana hadaladisii ka mid ahaa (‘’Umad marka la rabo in ay horumarto waxa laga horumariyaa aqoonta, hadii la damco in la baabiiyana waxa laga baabiiyaa aqoonta. Arday aan dhalay oo aan islaaha miyuu baasi uun oo aan iskuulo kale la soo maray waxa aan qirayaa in markii aan keenay Dugsiyada Noradin ay ii sheegeen in aan ku aamino markii uu ka baxay ee uu galay imtixaankii shahadiga ahana (Darajada A) ayuu ku baxay waana Alle mahadii waxaanay taasi ku tusaysaysaa aqoonta iyo dadaalka yaala Dugsiyada Noradin’’) ayuu yidhi Sheekh Maxamed Cali Gadhle.

Suldaan Axmed Daahir oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan dhamaan ardayda kala duwan ee ku guulaysatay imtixaanka shahaadiga ah gaar ahaan ardayda kaalmaha sare galay kuwaasi oo noqday kuwo sameeyey guulo ay ku muujinayaan dadaalkii, tacabkii iyo aqoontii ay soo wadeen, waxa kale oo Suldaan Axmed Daahir sheegay in Dugsiyada Noradin ay ka muuqato akhlaaq wanaagsan oo ay da’yarta ku barbaariyaan.

Wasiirada Diinta iyo Awqaafta iyo Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed Iyo Boos Mire Maxamed oo madasha ka hadlay ayaa si isku mid ah u xusay in Dugsiyada Noradin ay ku suntan yihiin aqoon iyo akhlaaq wanaag taasi oo ay hormuud u yihiin sida ay sheegeen maamulka Iyo macalimiinta oo dadaal dheeri ah galiyey sidii ay u soo saari lahayeen arday aqoon iyo akhlaq wacan leh.

Cabdikariin Axmed Mooge oo halkaasi ka hadlay aya ardayda ku booriyey in ay dadaalkooda sii wadaan si loo helo arday wanaagsan oo mustaqbalka dhaw wax weyn ka badala Somaliland si ay ula jaan qaado wadamada horumaray waxaanu halkaasi uga duceeyey ardaydii kaalamaha hore ka gashay imtixaanka shahaadiga ah kaasi oo uu ku tilmaamay in ay dadaal iyo tacab halkaasi ku soo gaadheen waxaanu si gaar ah ugu hambalyeeyey ardaygii guud ahaan dalka oo dhan imtixaanka shahaadiga ah ka galay Abdibaasid Cabdirisaaq Cawil.

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay Pro. Xuseen Cabdilaahi Bulxan Gudoomiyaha FFU (Franz Fanon University) ayaa ardayda ku booriyey in ay tahay in ay muujiyaan dadaal waxaanu halkaas ka sheegay ahmiyada ay leedahahay aqoontu iyo marxaladihii kala duwan ee ay soo martay waxaanu sheegay in aqoontu ay meel kasta ku gaadhsiin karto. Waxa uu ku dhiiri galiyey dhammaan ardaydii imtixaanaadka ku guulaystay iyo kuwa helay deeqaha waxbarasho ee dibada oo dhan 24 (Afar iyo labaatan Arday) oo ka helay deeqo waxbarasho oo kala duwan wadamada Turkey, Malaysia iyo Italy.

Ugu danbayntii waxa halkaasi lagu gudoon siiyey ardayda kaalamaha hore ka gashay imtixaanka shahaadiga ah ee dhawaan lagu dhawaaqay oo sanadkani ay dugsiyada Noradin guulo balaadhan ka so hooyeen kuwaasi oo la gudoon siiyey abaalmarino kala ah: (Takhammo Dahab ah, Gaadhi nooca Verrosa ah oo Number kii ugu danbeeyey ah, koombuyuutaro, bilado iyo waliba Shahaado sharafyo).

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply