Dowladda iyo Culimadda oo Isla Qaatay in Shareecada la Waafajiyo Xeerka Kufsiga

0
399

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland, golaha wakiilladda iyo culimo aw diinka dalka, oo kulan ka yeeshay xeerka kufsia, ayaa isla qaatay in xeerkaasi la waafajiyo shareecadda diinta Islaamka, isla markaana laga saaro qodobo ka hor imanaya diinta.

Kulankani oo ka qabsoomay xarunta golaha wakiiladda Somaliland oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golahaasi mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa warbaahinta si wada jir ah ula hadlay xubnihii kulankaasi ka qayb galay.

Gudoomiyaha golaha wakiiladda mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono qodobadda shareecadda Islaamka ka hor imanaya ee ku jira xeerka kufsiga, waxaanu yidhi “Xeerkani waxaa uu maray golaha wakiiladda, golaha guurtidda, waxaanu ku danbeeyay aqalka madaxtooyadda Somaliland, xeerkaasi waa uu dhaqangaley, waxaana ka soo baxay qodobo ay culimadu sheegeen in ay shareecadda diinta islaamka ka hor imanayaan.

Dad islaam ah ayaynu nahay, wixii shareecadda diinta islaamka ka hor imanayana dastuurkeena ayaa xaaraantinimeeyay, culimaddana waxaanu ku heshiiney wixii qodobo ah ee ka hor imanaya shareecaadda diinta Islaamka ee xeerkani ku jira in ay soo qoraan, leysla eego oo wixii shareecadda diinta islaamka ka hor imanaya laga saaro.”

Mudane Baashe Maxamed Faarax, waxa uu sheegay in arrintan ay dib u eegis ku samaynayaan guddi ka kooban golaha wakiillada, culimo aw diinka, xafiiska garyaqaanka guud iyo wasiirka diinta iyo aw qaafta, waxaanu yidhi “Guddi ka kooban golaha wakiiladda Somaliland, culimo aw diinka, garyaqaanka guud, wasiirka wasaaradda diinta iyo aw qaafta iyo guddida shuruucda ee golaha, waxaa ay isla eegayaan qodobada ka hor imanaya shareecadda diinta islaamka, wixii shareecadda ka hor imanayaana waa waxba kama jiraan.

Markaa waxaanu ku heshiiney culimadda inaanu isla eegno wixii shareecadda diinta islaamka ka hor imanaya”

Wasiirka wasaaradda diinta iyo aw qaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay xukuumadda ka go’an tahay in ay wixii sixitaan u baahan ay tixgalineyso waxaanu yidhi “Waxaa aynu goobtan isugu nimid in aynu is fahan iyo is afgarad ka yeelano murankii ka dhashay xeerka kufsiga.

Culimadda dalka waanu uga mahad naqeynaa sida naxariista leh ee ay arrinkaasin noola soo dhaweeyeen. Xukuumaddana sidii ballanqaadka madaxweynuhuba ahaa waxaa ka go’an in ay mar walba sixitaanka iyo toosinta iyo wada tashiga ummadda ay tixgeliso, golahana waa kii aynu u igmanay inuu arrimaheena guud iyo kuwa kaleba inoo habeeyo. Hadii ay tahay xeerar leynagu dhaqo oo dhan walba ah, xaq ayay u leeyihiin wixii ay mihiim u arkaan inay inoo soo gudbiyaan.

Hadda waxaa leysla qaatay culimadu in ay noqdaan kuwo mar walba la socda golaha wakiiiladda, golaha wakiiladduna ay ku xidhnaadaan culimo aw diinka dalka.”

Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi) ayaa isaga oo ku hadlayay afka culimo aw diinkii ka qayb galay kulankaasi waxa uu yidhi “Xeerarka la dejiyaa waa laba nooc, kuwo shareecadda ka hor yimaada iyo kuwa waafaqa. Xeerka shareecadda ka hor yimaada, Allaha ina abuuray ayaan inoo ogoleyn.

Dad muslimiin ah oo Illaahey rumeysan, una hoggaansan ayaynu nahay, waxaana wax Illaahey loogu mahadiyo ah in madaxdeeni iyo culimaddeeni dhammaan aynu isku wada waafaqney in wixii shareecadda islaamka ka hor imanaya ee xeerkaasi ku jira in laga saaro. Isla markaana shareecadda diinta islaamka la waafajiyo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply