Shir Lagu Gorfaynayo Bedqabka Suxufiga Somaliland oo ka Furmay Hargeysa

0
380

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wwasaarada qorsheynta qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-galinta Dr. Cismaan Xuseen Warsame ayaa shalay furay kulan ku saabsan badqabka suxufiyiinta Somaliland.

Sida ay warisay wakaalada wararka Somaliland ee SOLNA, kulankan oo socon doona muddo laba cisho ah waxa soo qaban-qaabiyey ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxana ka soo qayb galay, Xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale oo ka tirsan wakiillada Somaliland, guddoomiyaha maxkamadda rafcaanka ee gobolka Maroodijeex Cali Suudi, John Basco oo ka socday hay’adda UNESCO, agaasimaha dallada ururrada rayidka ah ee SONSAF, Maxamed Barawaani, masuuliyiinta sar sare ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo suxufiyiin ka kala socday warbaahinta dawladda iyo midda gaarka loo leeyahay.

Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto”, Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa sharraxaad ka bixiyey ujeeddada kulanka, ayaa sheegay in ay tahay sidii looga wada tashan lahaa badqabka suxufiyiinta Somaliland. Guddoomiye Xuuto waxa kale oo uu sheegay in ka urur ahaan ay ka shaqaynayaan badqabka iyo kor u qaadida aqoonta saxafiyiinta. Waxaanu tilmaamay inay Somaliland nasiib u heshay inay ka mid noqoto dalalka lagu qabtay Barnaamijkan ee bariga Afrika.

Xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale oo ka mid ah xildhibaannada golaha Wakiillada Somaliland oo madasha ka hadlay ayaa sheegay siday muhiim u tahay in la helo suxufi aqoon u leh shaqada uu hayo, kaas oo garan Kara waajibaadka saaran iyo Waxa isaga xaqa loogu leeyahay labadaba.

Geesta kale, Mr. John Bosco oo ah sarkaal ka socday hay’adda UNESCO oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in Kala shaqaynayaan ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA sidii loo sugi lahaa Badqabka Suxufiyiinta Somaliland.

Dhankiisana agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi galinta Somaliland, Dr. Cismaan ayaa ka warramay qorsha dhow ee wasaaradda warfaafinta ee horumarinta suxaafadda Somaliland, wuxuuna sheegay in ay ku hawllan yihiin wax ka beddelka iyo horumarinta xeerka saxaafadda Somaliland, kor u qaadista aqoonta suxafiyiinta iyada sidoo kale samaynta gole warbaahineed oo heer qaran ah.

Cawaale Ibraahim Shirwac, wasiirka wasaarada qorsheynta qaranka Somaliland oo shirka daahfuray ayaa tilmaamay in warbaahintu ay tahay tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda warbaahintuna ay xaq u leedahay in ay gudato waajibaadkeeda ay bulshada uga masuulka tahay. Waxa kale oo uu Wasiir Shirwac caddeeyey in xukuummad ahaan ay ka go’an tahay sidii warbaahinta Somaliland u hano qaadi lahayd, wasaarad ahaanna ay diyaar u yihiin in ay inay warbaahinta ka caawiyaan wixii awoodooda ah.

Dawannews Hargeysa office

 

 

 

Leave a Reply