Warbaahinta Puntland oo Fashilisay Duullaan Cabdiweli Gaas ku Qaadayo Somaliland

0
359

Garoowe (Dawan)- Warbaahinta Garoowe ayaa baahisay in madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Cabdiweli Cali Gaas uu wado olole uu ku dhicisaynayo doorashada baarlamaanka gobolkaasi ku xulayaan madaxweynahooda cusub Bisha January ee sannadka 2019ka, sidaas darteedna uu diyaarinayo dagaal ay ku qaadaan ciidammada qaranka Somaliland oo hore adhaxda uga jabiyey weeraro maleeshiyaadka Puntland ku soo qaadeen degaanka Tukaraq

Warbaahinta Garoowe Online oo ah shabakadda ugu weyn Gobolka Puntland, ayaa daabacday warbixin lagu sheegay in Cabdi Weli Gaas uu shalay u diray saddex Wasiir maleeshiyaadka Puntland ee ku sugan jiida hore, si ay ugu wargeliyaan inay u diyaar garoobaan dagaal ay ku qaadaan Somaliland, hase ahaatee waxa Garoowe Online xaqiijisay in saraakiishii halkaasi joogay ay ku gacan saydheen inay dagaal la galaan ciidammada Somaliland.

Shabakadan Garoowe Online ayaa bayaamisay in Cabdiweli Gaas uu ku hawlan yahay isku-day uu ku mijo xaabinayo qabsoomidda doorashada deegaankaas, oo uu dejinayo dagaal cusub oo ay ku soo hawaystaan ciidammada Somaliland oo hore cashar ugu dhigay dagaaladii hore u dhex maray bilihii January iyo May ee 2018ka.

Waxa kaloo shabakaddu ay werisay in labadii sannadood ee u dambeeyey sumcadda Cabdiweli Gaas hoos u dhacday, kadib markii maamulka Garoowe uu hadheeyey musuqmaasuq iyo kooxaha argagixisada oo ku soo xoogaystay gobolka Barri ee maamul-goboleedka Garoowe.

Geesta kalena, xukuumadda Somaliland ayaa hore daboolka uga qaaday inay danaynayso sidii ay jaarkeeda ugula naaloon lahayd nabadgelyo iyo deris wanaag, balse ay cawaaqib xumo kala kulmi doonto Soomaaliya haddii ay dib u soo weeraraan xudduudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply