Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo la Kulmay Dhallinyarada Sool

0
377

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo guddoomiyaha gobolka Sool Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Gargaar) ayaa shalay kula kulmay magaaladda Laascaanood dhallinyarada iyo aqoonyahanka gobolka Sool.

Siduu ku soo waramay wariye ka tirsan wakaallada wararka Somaliland, Kulankan waxa kale oo ku weheliyay taliye ku xigeenka ciidammada Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) waxaanay kala hadleen dhallinyaraddaasi sidii looga wada shaqayn lahaa ilaalinta nabadgelyadda iyo horumarka gobolkaasi Sool.

Waxa kale oo ay wasiirka arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha Sool dhalinyaradda iyo aqoonyahanka ku boorriyeen sidii looga shaqayn lahaa nabadaynta koonfurta gobolkaasi Sool oo ay dhowaan dirir ku dhex martay Jufooyin walaalo ah oo halkaasi wada dega, kuwaas oo ay nabadayntooda ku hawlan yihiin wefti ballaadhan oo gobolkaasi ku sugan oo ay weheliyaan guddida nabadaynta ee gobollada Sool iyo Buuhoodle.

Dhallinyarada iyo aqoonyahanka gobolka Sool oo iyaguna geestooda ka hadlay shirkaas ayaa ballan-qaaday inay xukumadda kala shaqayn doonaan nabadaynta labadaas ardaa ee ku diriray koonfurta gobolka Sool .

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply