Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland oo ka hadlay qorshe bulshadda lagu barrayo shuruucda

0
357

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa shaaca ka qaaday in ay ku dedaalayaan sidii guud ahaan ba bulshadda Somaliland gobol illaa degmo loo gaadhsiin lahaa dastuurka.

Si ay bulshadu u bartaan, xog iyo aqoon ku filana uga helaan xuquuqaha uu siiyay dastuurka jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo taas laga duulayana ay wasaaradiisu bilawday qorshe ah sidii goboladda waaweyn ee dalka ay xafiisyo ugu yeelan lahayd.

Waxaanu sheegay wasiirku in haddii bulshadda la baro dastuurka iyo shuruucda ka farcanta in taasi ay sahlayso in qof waliba uu fahmi karo xuquuqdiisa iyo sida uu u raadsanayo iyo sidoo kale in aanu ku xad-gudbin shruucda dalka.

Maxamed Xaaji Aadan, oo shalay xafiiskiisa ugu warramay wargeyska Dawan, isaga oo faahfaahin ka bixinaya hawlaha ay wasaaradu qaranka uga masuulka tahay waxa uu yidhi “Wasaaradu markii hore waxay ahayd wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka, hase yeeshee madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku soo daray qaybta dastuurka, isagoo u arka muhiimadda uu dastuurku qaranka iyo ummada u leeyahay ee ah in wasaaraddi ay gacanta ku hayso.

Si dastuurka iyo shuruucda ka farcantaa ay u gaadhaan ummada jamhuuriyadda Somaliland oo dhan. Si loo hello wasaarad ka hawl gasha sidii ay u gaadhsiin lahayd, loona heli lahaa dad aqoon u leh dastuurka iyo shuruucda dalka, oo qofku kaga joogsado wixii aanu xaq u lahayn, kuna raadsado wixii uu xaq u leeyahay ee dastuurku u ogolaanayo.

Taas oo yarayn lahayd haddii uu dadkeenu aqoon u leeyahay, waxyaabaha ay had iyo jeer kaga sheekaynayaan goleyaasha, makhaayadaha, ay kaga sheekeeyaan warbaahinta oo iska sheegaan waxyaabo aanay aqoon u lahayn”.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray “Sidoo kale haddii ay dadku aqoon u yeeshaan dastuurka iyo shuruucda ka farcanta, waxay keenaysaa in qof waliba wadadda uu leeyahay marro, in waxa la hiigsadaa horumarka uun ay noqoto, oo nin waliba hawsha qaranka halka uu kaga beegan yahay yaqaano.

In xuquuqda uu leeyahay uu yaqaano, in ay yaraadaan mashaakiladda iyo waxyaabaha kale ee ragaadiya horumarka”ayuu yidhi wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka.

Maxamed Xaaji Aadan isaga oo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Imika waxaanu samaynay, qorshe nidaameedkii loo mari lahaa hawlahaas. Way badan yihiin xeerarka ka farcama dastuurka. Dastuurkeenu waa 130 qodob, oo lagu saleeyay qaab dhismeedka nolosheena jiritaanka dawladnimadda Somaliland

Sidaad darteed waxaanu samaynay istaraatijiyad afarta sanno ee soo socda ay wasaaradani ka duuli lahayd, kuna amba-qaadi lahayd hawlaheedda ay qaranka uga masuulka tahay. Waxaanan rejaynaynaa in todobaadyadda soo socda aanu goboladda dalkoo dhan gaadhno, oo aanu hore uga jirin, oo aanu samayno isuduweyaal goboladda waaweyn ka furno.

Si aanu awood ugu yeelano in gobol walba halkiisa masuul tababaran, oo aqoon u leh hawsha loo xil saaray, oo ummadu dastuurka iyo shuruucda waxay uga baahan tahay gaadhsiiya. Taasoo aanu u aragno in ay wax badan ka tari doonto sidii bulshadu u baran lahayd dastuurkeedda”.

Geesta kale wasiirku waxa uu sheegay in ay imika bilaabeen cilmi baadhis ay doonayaan in ay ku ogaadaan tiradda bulshadda reer Somaliland ee aqoonta u leh dastuurka iyo shuruucda ka farcanta, cilmi baadhistaas oo la soo bandhigi doono bisha soo socota ee October.

“Waxaanu imika wadnaa cilmi baadhis aanu samaynayo in aanu ku ogaano intay le’eg tahay aqoonta ay dadku u leeyihiin dastuurka, si ay noogu soo baxdo hawsha ka danbaysa in aanu ogaano habka loo wacyigelin karo, wax loo bari karro, loo gaadhsiin karo si ay dadku aqoon fiican oo ku filan u yeeshaan.

Waxaanan soo ban dhigi doonaa 100% (boqolkiiba) tiradda dadakeenu intay aqoon u leeyihiin dastuurka iyo shuruucaha ka farcama. Bisha October ayaanu rejaynaynaa in aanu soo bandhigno”ayuu yidhi wasiir Maxamed Xaaji Aadam.

Dhinaca kale wasiirka oo aanu wax ka waydiinay siday wasaaradu u xidhiidhiso saddexda gole qaran waxa uu ku jawaabay “Waxaynu leenahay saddex gole qaran oo kala ah golaha xukuumadda, iyo goleyaasha Guurtidda iyo Wakiiladda. Sidaas darteed wasaaradu waxay leedahay waajibaad ah ay ku xidhiidhiso habsami-u-socodka hawlaha ka dhexeeya saddexda gole in ay wasaaradu ka shaqayso, oo ay fududayso, oo ay u adeegto.

Waxaanay wasaaradu xidhiidhisaa xeerarka iyo qawaaniinta saddexda gole qaran dhex mara, ee ay isku gubiyaan. In ay ka taakulayso, in ay ilaaliso oo ay xafido. Oo ay gaadhsiiso gole walba golaha kale wixii uu uga baahan yahay ee macluumaad iyo wada shaqayn iyo isku soo dhawaanshiyo”ayuu yidhi wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka.

Isaga oo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Iyadoo goleyaasha xeer dejintu ay yihiin kuwa xeerarka ugu badan ee dalku ku dhaqmo soo saara, oo aan uga mahad celinayo in mudooyinkan danbe ay soo saareen xeerar fara badan oo baahi loo qabay, oo ay dedaal badana muujiyeen.

Waxaanan rejaynayaa sidaas ay u sii socoto, oo xeerarka uu qarnaku u baahan yahay si wanaagsa oo xil kasnimo ah looga shaqeeyo”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply